Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Somaliland, ayaa baaq qeylo-dhaan ah ka soo saartay abaaraha lagu tabaaloobay, waxaanay beesha caalamka ugu baaqeen in gar-gaar caalami ah oo lagu samato-bixiyo lala soo gaadho gobollada bariga iyo galbeedka Jamhuuriyadda Somaliland.
Baaqan oo uu soo saaray Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxar-diid (Caddaani), waxa lagu sheegay in xaaladda dadka abaaruhu saameeyeen ay qarka u saaran yihiin dhimasho, ka dib markii ay ka baxeen xoolihii ay dhaqanayeen.