“Haddii Xildhibaanku Is Yidhi Kaftan, Inuu Meel Fiican Kaga Bilaabo Ayay Ahayd” Guddoomiye Cirro oo u Jawaabay Xildhibaan Obama

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa jawaab ka bixiyay eedo shalay uu u jeediyay Xildhibaan Maxamed Cali Xiris (Obama) oo uu shalay Guddoomiye Cirro ka bedelay Guddoomiyaha guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka, islamarkaana u bedelay Guddida arrimaha dibada Golaha Wakiillada.

ciro-475x263
 

Xildhibaan Obama ayaa shalay eedihiisii waxa uu u ku sheegay in Guddoomiye Cirro uu ku kacay musuq dhawaala, islamarkaana wuxuu u soo jeediyay inuu is casilo.

“Waxaan is leeyahay haddii uu Xildhibaanku is yidhi kaftan inuu meel fiican kaga bilaabo ayay ahayd, waxaanay ila tahay inay arrintaasi ay tahay cadho ka kacday badalkii lagu sameeyey Xidhibaanka ee ahaa Gudoomiye Guddida dabagalka hantida qaranka. Wixii jawaab ahna dib ayaan anagoo u dhan ka sheegi doonaa.” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro

Halkan ka daawo.

Berbera news. Hargeysa