Qorshe Ay Wateen Xukuumadda Iyo Muuse Biixi Oo Lagu Khal-khal Gelinayay Sandalada Subeer Awal Oo Fashilmay

Hargeysa (Berbera news) Qorshahan lagu carqaladaynayay Sandalada guud ee Subeer Awal ee uu hoggaamiyo Suldaanka guud Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa maanta ku dhamaaday fashil, kaas oo ay uu watay Musharraxa Madaxweynaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE ahna Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabd.

suldaan-xasan1-475x356

Muuse Biixi iyo xubno ka tirsan Xukuumadda oo taabacsan awaamiirta Guddoomiyaha KULMIYE oo is kaashanaya waxay magaalada Hargeysa ka abaabuleen Barnaamij ay ku doonayeen inay ku khal-khal geliyaan Sandalada guud ee Subeer Awal ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, ka dib markii Xubno Xukuumadda ugu jira beesha Subeer Awal ay dhex-dhexaadin ka galeen sidii ay baajin lahaayeen qorshan Muuse Biixi watay ee lagu carqaladaynayay iyo shir kale oo lagu taageerayay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, waxaanay tibaaxuhu intaas ku dareen in masuuliyiintani ay dhinacooda balan-qaadeen inay joojinayaan shir ay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE soo abaabuleen oo ay ku doonayeen sidii ay u caleemo saari lahaayeen Suldaan kale oo Adeer u ah Suldaanka guud ee Subeel Awal.

Qorshahan ka dhanka ahaa Sandalada guud ee Subeer Awal ee ay wateen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddu ayaa dhawr jeer oo hore fashilmay kadib markii ay arkeen taageeradda Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ka haysto beeshiisa , waxaanu qorshahan danbe soo laba kacleeyey markay kala quusteen ergooyin ay u direen si uu u taageero Muuse Biixi, hase yeeshee waxay labada dhinaca maanta isku afgarteen in la joojiyo Shirarka iska soo hor-jeeda.

Ugu dambayntii, Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ayaa u arka in Suldaanka guud ee Subeer Awal uu caqabad ku yahay ololaha ay ugu jiraan doorashooyinka soo socda ee Xukuumaddu ku doonayso inay hoggaaminta Somaliland ugu caleemo saarto Muuse Biixi Cabdi.

Berbera news. Hargeya