“Xukuumaddani Waxay Horseed Ka Noqotay Sixir Barar, Musuqmaasuq Iyo Qabyaaladii Oo Meel Xun Maraysa” Xildhibaan Xoog

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, isla markaana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ugu baaqay inuu ku daydo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu kula taliyey in madaama uu tanaasulay inuu daacad ka ahaado qabsoomida Doorashada, oo uu wakhtigeedii ku qabto Doorashada.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog),oo Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale wax aad loola yaabo ku tilmaamay in dad gaajoonaya oo haraad iyo raashin la’aani hayso inay Xukuumaddu Buskud u geyso, waxaanu sheegay in aanay wax xil ah iska saarin Xukuumaddu bulshada ay abaaruhu sameeyeen, waxa kale oo uu ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin Guddidii uu Madaxweynuhu magacaabay, Nabadgaliyada dalka iyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Madaxweyne Daahir Rayaale markii uu xilka wareejinayey waxa uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo ku wareejiyey dal iyo dad mid ah oo isku xidhan, waxaana Xukuumaddani horseed ka noqotay Sicir barar baahsan,Musuqmaasuq bararsan, Qabyaaladii oo meel xun maraysa, kala dambayn la’aan dhinaca Cidamada ah, oo sababtay in Saraakiil la laayo, markaas madaama uu Madaxweyne Siillaanyo tanaasulay oo uu ka tanaasulay inuu isa soo sharaxo mar kale, waxa aan kula talinayaa oo u haboon in Doorashada wakhtigeedii uu ku qabto, oo uu sharafta ka raaco, waxaana run ah in Caalamkan inaga sii jeestay in haddii Doorashada wakhtigeeda lagu qabto inay inoo soo jeedsanayaan, Daahir Rayaale markii uu Doorashada qabtay ee xilka lagaga guulaystay si sharaf leh ayuu ka yeelay, maantana waa kaas oo maanta dadkiisa dhex tamashlaynayaa, ee magaca iyo sumcada ka tagay, markaas Madaxweyne Siillaanyo-na waxa aan leeyahay magaca iyo sharafta ka raac oo Musharaxiintaas tartamaya ee kala ah Cabdiraxmaan Cirro, Jamaal Cali Xuseen iyo Muuse Biixi, u kala bax oo hormood ka noqo inay ku tartamaan Doorasho xor iyo xalaal ah”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Xukuumaddani markii ay Golayaasha ka codsatay in la ogolaado in Ictiraafka Caalamka laga raadinayo in Somaliya laga raadiyo oo wada hadal lala furo, ujeedada ugu weyn ee aan is leeyahay wey ka lahayd waxay ahayd in wixii kharash la kala qabsado, haddii ay tahay Hawada iyo wixii la mid ah, markii dambena in wada hadalada la joojiyo Xukuumaddan ayey ka timid, markii ay tidhi la hadli mayno Wasiiro hayb ahaan ka soo jeeda Somaliland, oo u shaqo tagay Somaliya, awalba wey ogayeen in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliya uu ka soo jeedo Somaliland, ee haddana waatan tidhi dib ha loo furo ee kharashkii ayey u baahatay. Ta kale Guddidan loo magacaabay ictiraaf raadinta, ee la magacaabay iyada oo Xukuumaddan muddo xilkeedkeedu gabaabsi yahay, waxa aan u arkaa ciyi waa ka baryey iyo sanbuuse laga eedamay, ta kale dadkan la magacaabay lagalama tashan, waxayna kala joogaan mashriq iyo maqrib, oo cadceedu isku xilli uma soo baxdo, isku xillina uma dhacdo, laakiin nidaam xumada Xukuumadda ayey ka mid tahay arintana”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), ayaa mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi “Waxa aad layaab u leh oo ayaan daro ah in Xukuumaddani Buskud u qaybiso dad gaajoonaya oo haraadan, oo Biyo iyo Raashin u baahan, oo Abaartii hayso, Xukuumaddu wey awooday inay raashin iyo biyo la gaadho dadkaas gaajada u dhimaya, balse xilkasnimo la’aan ayaa ku jirta, oo xilkii umadda ka saarnaa ayey dacayday”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog),ayaa waxa kale oo uu ka hadlay xaalada nabadgalyo ee dalka, waxa uu sheegay in xaalada nabadgalyo ay sugan tahay, dadka reer Somaliland ay mar walba heegan u yihiin ilaalinta amaankooda, balse waxa uu xusay in dilalka Saraakiisha iyo in jidgooyo la sameeyo inay inagu cusub tahay, waxaanu ku baaqay in Tababar dheeraad ah la siiyo Ciidamada kala duwan ee dalka, isla markaana Saraakiisha iyo Ciidamadana mid walba uu garto waajibkiisa iyo wixii la gudboon.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay Diiwaangelinta oo waxa uu sheegay inkasta oo abaaro jiraan haddana Diiwaangelintu si fiican u socoto, oo Goboladii hore ee Awdal iyo Togdheer si fiican dadku isku diiwaangeliyeen, inta hadhsana waxa uu ku booriyey inay is diiwaangeliyaan

Berbera news. Hargeysa