Hargeysa (Berbera news) Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa ka dhiidhiyey fadeexad ay sheegeen in wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid u soo jiiday sumcaddoodii kadib markii uu ku dhawaaqay in xatooyo ka dhacday xerada dhexdeeda isla markaana la jabsaday khasnaddii lacagta ee SLNTV. Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Cashuur (Baadidoon) oo ka mid ah hal-abuurrada foollaadka ah ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ayaa tix gabay ah oo uu xalay curiyey waxaa uu kaga jawaabay hadalka wasiirka oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid aan looga fadhiyin wasiirku in uu fadeexad ka wada simo hawl-wadeennada wasaaraddaas.