Madaxweynaha Maraykanka Oo Booqashadiisii U Horaysay Ku Gaadhay Jasiirada Cuba

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ku jiraan xaaskiisa iyo labadiisa gabadhood, ayaa gaadhay Magaalada HAVANA ee xarunta wadanka Cuba, taasoo noqonaysa tii ugu horraysay oo Madaxweyne Maraykan ah uu ku jato Jasiiraddaas muddo ku dhow 90-sano.

Booqashada Obama ayaa imaanaysaa, iyadoo labadii sano ee ee la soo dhaafay ay labada waddan isku dayayeen inay xalliyaan murankii siyaasadeed ee u dhexeeyay, kaddib muddo 55-sano ah oo aanay labadan dhinac wax xidhiidh ah lahayn.

Inkastoo horay loo sheegay inaysan madaxweyne Barack Obama qorshaha ugu jirin inuu la kulmo dhiggiisa Cuba, Raul Castro, ayaa haddana markii uu Havana tagay wuxuu sheegay inuu la kulmayo Castro iyo mas’uuliyiinta kale ee dalkaas.

Sidoo kale, Booqashada Obama iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay inay qayb weyn ka tahay Booqashadaan adkeynta Xiriirka labada Waddan. Isla markaana la filayo inuu intaan kasii xoog badnaado.

Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah, Xubno ka tirsan labada Xisbi ee Dalka Marayanka, Madaxda Shirkadaha iyo Qaar ka tirsan Dadka Cuban-American ah ee sida weyn loo yaqaanno.

Dhinaca kale Barack Obama ayaa markii uu tagay Havana wuxuu sheegay in dib loo furay safaaraddii Mareykanka ee Havana, ayna taasi ka dhigan tahay inuu Maraykanku awood u yeelan doono horumarinta danaha Maraykanka iyo inay fahmka walaaca dadka reer Cuba.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Marayknaka ayaa hadalkiisa ku yiri. “Tani waa booqasho taariikhi ah iyo fursad taariikhi ah – oo maanta noo billaabmaysa.” Wuxuuna xusay inay ka go’an tahay in xiriirku uu noqdo mid aad u adag.

Halkan ka daawo.

Berbera news.