Maxay Daaran Tahay Teegeeradda Muuse Biixi Ka Xod-xodanayo Madaxweynaha Jabuuti

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa amaan qayrul caadi ah kala dul dhacay madaxweynaha dalkaasi Jabuuti Md.Ismaaciil Cumar Geele isaga oo hoos u dhigay sharafta iyo karaamada madaxweynahiisa qaranka Somaliland oo uu sheegay in madaxweynaha dawladaha Soomaali oo dhan ugu wanaagsani in uu yahay madaxweynaha dalkaas Jabuuti isaga oo ku xigsiiyey madaxweynaha dalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud.

 
 

Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad lagu daah furaayey qunsuliyad cusub oo dawladda Jabuuti ay ka furatay magaalada Hargeysa.

“Madaxweynaha qudha ee Soomaali ah ee maanta caalamka jooga waa Ismaaciil Cumar Geele, marka Soomaaliya laga reebo.”.Ayuu yidhi Muuse Biixi CabdiMuuse Biixi Cabdi, wuxuu soo bandhigay taageero ay dawladda Jabuuti siin jirtay ururkii dhaqdhaqaaqa xornimo doonka ee SNM wakhtiyadii la la dagaalamayey kelitaliskii Siyaad Barre.

“Marka taariikhda loo noqdana intii halganka, taariikhda iyo isticmaarkii la soo wada marayba reer Jabuuti iyo Somaliland isku mid ayuunbay ahaayeen, kii Jabuuti way u mideysnaayeen marka taariikhda loo eego, kii dambe ee dhawaa ee SNM-na dawladda Jabuuti waxa ay ahayd ama Ismaaciil Cumar Geele, shacabkiisa iyo dawladda reer Jabuutiba in ay ahayd dawladda qudha ee u gargaartay Somaliland gacanna siisay siyaasiyan, aduun iyo askar ahaanba, waana taariikh qoran, Ismaaciil Cumar Geele waxa uu ahaa markii la isku hayey xeebta ee faqashta iyo Somaliland ay dagaalamayeen, waxa uu ahaa ninka qudha u ee u oggalaaday Silaanyo oo guddoomiye ah iyo rag kale oo badan in ay u tallaabaan xuduudka dalkiisa mar ay socdeen dagaalo oo aan la odhan waa shisheeye, illaa loo gudbiyey xarumahooda oo ay weliba sii gelbiyeen.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi

Berbera news. Hargeysa