Xisbiga KULMIYE Oo Goor Ay Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Ka Hadlay Isku Dhici Dhex-maray Ciidamada Badda Somaliland Iyo Jabuuti

Hargeysa (Berbera news) Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali Gafaadhi, ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu goor xal laga gaadhay isku dhicii dhex-maray ciidamada Badda Somaliland iyo Jabuuti ka hadlay.

 

“Waxa la isku waafaqsan yahay markabkaasi inuu galay biyaha Jabuuti, waxa kaloo la isku waafaqsan yahay in is-rasaasayntu ka dhacday biyaha Somaliland. Cid kasta oo meel wada degan laba qof ilaa dawlado waxa mar walba dhici karta in dhexdooda waxyeelo timaado, laakiin xaalad waliba waxay ku xidhan tahay cidda ay dhexmartaa siday u maamusho, arrintaasi waa mid labada dawladoodba ay ku jiraan oo la dhammaynayo.” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga KULMIYE

Xasan Gafaadhi waxa uu intaas ku daray “Cidda qabta in Jabuuti cadaawad gaar ah u qabto Somaliland aniga iima muuqato meeshay ka keentay, Jabuuti in aanay cadaawad u qabin Somaliland waxa muujinaysa inay safaaradeedii ka furatay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, waxay taasi ka turjumaysaa Jabuuti inay diyaar u tahay inay xidhiidh sokeeye oo saaxiibtinimo, walaalnimo iyo jaarnimo diyaar ula tahay Somaliland, xafiiska safaaraddu waa halka waxyaabaha noocaas oo kale markay dhacaan lagaga wadahadlo, markaa Jabuuti waxay soo dhawaysay oo ay inoo keentay meeshii aynu kala xidhiidhi lahayn dawladeeda. Baasaboorka Jabuuti-na dambi maaha ee cidda qaadashadiisa dambi ka dhigaysa, waxaan leeyahay waxaad eegtaan kuwa dalalka Kiristaanka ah ee dad badani sito.” ayuu yidhi Xasan Gafaadhi

Berbera news.