Guddoomiye Cirro Oo Safar Kadis Ah Ugu Kicitimay Itoobiya

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar aan hore loo sii shaacin shalay galabnimadii ugu baxay dalka Itoobiya.

Lama oga u jeedada rasmiga ah ee ka dambaysa safarkan guddoomiye Cirro ugu baxay dalka Itoobiya, balse siday ilo wareedyo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegeen in Cabdiraxmaan Cirro uu  ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaana wararku sheegayaan in halkaas ay ku sii sagootiyeen Guddoomiye xigeenka 1-aad ee xisbiga WADDANI .Axmed Muumin Seed, Siyaasi Keyse Cali Geedi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbigaasi.

Wararku waxa kale oo ay intaa ku darayaan inuu jeedada safarka guddoomiyaha WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro uu daaran yahay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay mas’uuliyiinta dalkaasi Itoobiya, sidoo kalena uu kulamo gooni gooni ah magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya uu kula soo yeelan doono diblomaasiyiin ka kala socda wadamada Yurubta, Mareykanka iyo weliba mas’uuliyiin ka tirsan hay’addaha qaramada Midoobay.

Safarkan guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ku soo beegay xilligan, lamana oga illaa hadda u jeedada ka dambeysa martiqaadka ay u fidisay dawladda Itoobiya iyo weliba sida oo kale waxyaabaha ay ka soo wadahadli doonaan diblomaasiyiinta heerka caalami ah ee ku sugan dalkaasi Itoobiya oo la sheegay in uu iyagana kulamo gaar gaar ah la qaadanayo.

Berbera news. Hargeysa