Somaliland Oo Laga Oogay Salaad Roob Doon Ah Iyo Madaxweyne Siilaanyo Shacbiga La Tukaday (SAWIRRO)

Hargeysa  (Berbera news) Guud ahaan gobollada Somaliland, ayaa maanta laga oogay Salaad Roob-doon ah oo ALLE looga baryay inuu abaarta ka qaado, isla markaana uu roob ku maansheeyo dhulka.

Madaxweynaha Somaliland  Axmed Siilaanyo ayaa isna garoonka weyn ee kubadda Cagta ee Hargeysa kula Tukaday Kumannaan dadweyne ah oo u soo baxay tukashada Salaada roob-doonta ahayd, waxaanu ilaahay u baryey inuu roob inoo shubo si bulshadda ku tabaalaysan Miyiga ee abaartu ay saamaysay uga jabto.

Madaxweynuhu waxa uu salaadda kaddib ku duceeyay in ALLE ka Aqbalo baryada maanta ay isugu soo baxeen shacabka Somaliland, raxmaaddiisana si deg-deg ah ugu shubbo.

Ka hor Madaxweynaha waxa khudbad ku saabsan roob-doonta halkaa ka jeediyey wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta oo Dadka Tujiyay, ayaa ku baaqay in la is wada-cafiyo Ilaahayna loo toobad celiyo.

Hadalladii Sheekha waxaa ka mid ahaa; in kulaylkan iyo abaaruhu ay yihiin dunuub dadka ka timid oo ay ka toobad keeni waayeen, dhibaatada ka timid dunuubtaasina ay saamaysay bahaayinka iyo makhluuqa kale ee xayawaanku ka mid ka yihiin ee ay gaadhay.

Sheekhu waxa uu ku adkeeyey in lays caawiyo oo la isu gargaaro laysna taakuleeyo cidiba ciddii ay ka heyn roontayna ay wax ku taakulayso dadkaa tabaalaysan.

1

Madaxweyne Silaanyo ayaa dhankiisa Halkaasi umada uga duceeyay, waxaanu uu ALLE uga baryeey in uu abaaraha ka soo jabiyo.

6

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isna Masaajid ku yaalla bar-dhamaha magaalada Hargeysa kula tukaday dadweyne badan, isgaoo ALLE ka baryay inuu Roob khayr qaba uu siiyo dhulka abaartu saamaysay.

7

Berbera news. Hargeysa