Guddida Anshaxa Ee Komishanka Doorashooyinka Oo Mar Kale Fariin Digiin Ah U Diray Saddexda Xisbi

Hargeysa (Berbera news) Guddida anshaxa Komishanka doorashoyinka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta guddida doorashooyinka,  ayaa waxa fariin digniin ah u direen xisbiyada qaranka ee WADAN, KULMIYE iyo UCID oo ay sheegeen inay Komeeradii wacyigalinta ahaa u galeen qaab olole kaambayn ah siyaasadeed ah.

 Grabbed Frame 2

Afhayeenka guddida anshaxa ee Komishanka doorashooyinka Cabdiraxmaan Adan Maxamed ayaa waxa ugu digniin u diray saddexda xisbi, waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Hadaanu nahay guddida anshaxa ee komishanka doorashooyinka qaranka meelna kagama jirto shuruucda doorashooyinka ee xeerka habdhaqanka xisbiyada ah inay xisbiyada qaranku olole doorasho u adeegsadaan diiwaangalinta dhexdeeda, waxaana hadana cadaatay in saddexda xisbi qaran ay olole ka baxsan awaamiirtii komishanka ka sameeyeen degmooyinka balligubadle iyo gabiley.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aadan Maxamed

Afhayeenka guddida anshaxa ee Komishanka doorashooyinka Somaliland, waxa uu intaas ku daray ,  “Guddida anshaxu waxay uga digayaan xisbiyada qaranka inay sameeyaan olole siyaasadeed ee ay ka dhex wadaan diiwaangalinta oo majarahabaabin karta habsami u socodka hawlaha qaran ee diiwaangalinta codbixiyayaasha haday sii wadaana gudida komishanka qaranka ayaa talaabo ka qaadi doona.”

Halkan ka daawo.

Berbera news. Hargeysa