“Qoraalka Ka Soo Baxay Xafiiska Garabka Guddoomiyaha, Wuxuu Muujinayaa Fashilka Hogaamineed Ee Muuse Biixi” Warsaxafadeed Isbaahaysiga KULMIYE

Hargeysa  (Berbera news) Garabka Isbaheysiga xisbiga KULMIYE, ayaa maanta soo saray  Warmurtiyeed kaga jawaabayan  Warsaxaafadeedkii shalay  uu soo saaray Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) oo uu ku sheegay in xubinimadii xisbiga laga saaray  Garabkan ku midoobay isbaahaysiga xisbiga KULMIYE.

waraa

Warsaxafadeedkan ay soo saareen isbaahaysiga KULMIYE oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku xigeenada labaad iyo saddexaad ee xisbiga KULMIYE oo ka mid ah Garabka isbaahaysiga Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeyo) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle , kaas oo u dhignaa sidan:-

Ujeedo: Dedefayn Qoraalka ka soo baxay Garabka Gudoomiyaha Muuse Biixi.

Tixraac Qoraalka sumadiisu tahay XK/XGX/0042185/2016 kuna taariikhaysan 23/03/2016 kana soo baxay xafiiska garabka kulmiye ee Gudoomiye Muuse Biixi ee lagu faafiyay warbaahinta ujeedadiisu ahayd lumin Xil iyo Xubinimo xisbi.

Haddaba shir ay isugu yimaadeen Hogaanka, gudiga fulinta iyo xubnaha golaha dhexe ee garabka Isbahaysiga Dumuquraadiga ee Xisbiga Kulmiye waxay soo saareen War-murtiyeedkan :

In aanay jirin xubin ka tirsan garabka Isbahaysiga Dimoquraadiga Kulmiye oo lumisay xilalkeedii iyo xubinimadeed xisbiga kulmiye.

In aanu jirin shir loo dhanyahay oo hogaanka iyo gudiga fulinta xisbigu Iskula-qaateen luninta xillalka iyo xubinimada Xisbiga kulmiye.

In Gudigii Isbahaysiga ee loo magacaabay la xaajoodka siyaasadeed ee xisbiyada ay sidoodii yihiin sharci u diidayaana aanu jirin.

Gebogebadii:-

Qoraalka ka soo baxay xafiiska garabka Gudoomiyaha wuxuu muujinayaa fashilka hogaamineed ee Muuse Biixi oo xaaladiisu wakhtigan marayso “neef la gawracay geedo kama waabto” iyadoo xisbigii kulmiye labo garab u kala fadhiyo hadana u tafaxaytay Xasarado aan kala joogsi lahayn ee ay ugu danbaysay faraglinta Saldalada guunka ah iyo birma-magaydada madax-dhaqameedka.

Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye

Xil. Maxamed X. Yuusuf Waabeeye

Gudoomiye Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye

Xil. C/raxman Maxamed Talyanle