“Xadhigaad Qabsataaba Kuu Go’ Ayuun Baan Maqli Jiray, Allaylehe Ina Biixi Ayaa Xadhiguu Qabsadayba U Go’ ay” Cali-guray

Hargeysa (Berbera news) Xadhigaad qabsataaba kuu go’ ayuun baan maqli jiray Allaylehe Ina Biixi ayaa xadhiguu qabsadayba u go’ ay, musharaxnimada maxlalka ah ee boqolka godobood gadaanka u sudhan yihiin siduu ku soo gaadhay waynu ogayn. Wadahadalka uu sheegayo ma shantan ayaa mucaaridka la galay ama kula jira. Hadii ay guddi yihiin yaa magacaabay gudida? Shalay Ilmadeeradii uu sheegayay wadahadalada kuma jiraan buu inoo sheegaya saw maaha?

Saldanadda Subeer Awal burburi buu is lahaa kursi uu doonayo awgii. Wixii ka raacay waynu ognahay sidaana kumay dhamaan. UCIDna ha la ii burburiyo ta ka raacda wuu qoomamayn doonaa. Afeef hore iyo adkaysi dambe saw in miduun uu yeesho maaha.

Anigu waxan is leeyahay ummaddani kamay gelin Ilaahay dembi ay ku mutatsato in Muuse Biixi lagu salido uu Madaxwayne u noqdo.

Ninka maanta koofiyad cas dadkiisa u adeegsanaya si uu baqdin iyo argagixin ugu rido hadii uu Madaxwayne noqdo maxaa LAGA fili karaa een ahayn in sidii Fircoon uu yidhaa ” ANAA RABIKUMUL ACLAA”

Berbera news. Hargeysa