Jabuuti (Berbera news) Iyadoo Jabuuti ay ka socdaan ololaha Doorashooyinka Xisbiyada aqlabiyadda dalkaas iyo Axsaabta Mucaaradka ah ay ku doonayaan inay ugu tar-tamaan doorashada madaxnimo ee bisha soo socoda ka dhici doonta dalkaas, ayaa wuxuuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ahna Murashaxa xisbiga UMP la kulmay shaqaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti.
Kulan uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle la qaatay shaqaalaha dowladda ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Ganacsatada Jabuuti, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madaxweyne Geelle.