“Cabdiraxmaan Cirro Muu Oggalaan Diiwaan-gelinta La Hakiyey, Muuse Biixi iyo Faysal-na Wanjal Been Ah Ayey Ka Sameeyeen” Guddoomiye ku xigeenka WADDANI

Hargeysa  (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka  koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa beeniyey in Guddoomiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu oggalaaday go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku hakiyey Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, waxaana uu tilmaamay inay ka been abuurteen Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UICD islamarkaana ay shaciba u sheegeen wax aan ka soo bixin afka Guddoomiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Cirro.

 
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
Berbera news. Hargeysa