Guddida Doorashooyinka Oo Ka Hadlay 2 Warqadood Oo Madaxweyne Siilaanyo U Soo Gudbiyay

Hargeysa  (Berbera news) Gudida doorashooyinka Somaliland oo mar  dhaweyd warbaahinta kula hadley xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay  shaaciyeen nuxurka laba warqadood oo uu madaxweyne siilanyo u soo gudbiyey

 cali-guray42

Waxaa ay sheegen in nuxurka labada warqadood ee madaxweyne Siilanyo u soo gudbiyey ay yahiin mid uu kaga dalbanayo in la hakiyo diwaangalinta cod bixiyaasha Somaliland muddo bil ah.

Warqada  labaad ee maanta ka soo gaadhey xarunta madaxtooyaduna ay tahay mid uu ku ogeysiinaayo warqad uu u direy madaxweynuhu  baarlamaanka oo uu kaga  dalbanayo in qodob ka  mid ah xeerka cod bixiyaasha lagu sameeyo  kaabis iyo wax ka bedel .

Sidoo kale gudidda doorashooyinku waxaa ay warbaahinta u cadeeyeen in ay qaateen soo jeedinta uu madaxweyne Siilanyo u soo gudbiyey ee ah in muddo hal  bil  la hakiyo diwaangalinta cod bixiyayaasha .

Geesta kale Guddida doorashooyinku waxay beeniyeen in  todobada xubnood ee guddidaasi  khilaaf ka dhex taagan yahay,  isla  markaasina wararkaasi ay yahiin qaar aanay waxba ka jirin .

Halkan ka daawo.

Berbera news. Hargeysa