13 qof oo ku dhintay roobab ka da’ay jigjiga iyo dad badan oo la la’yahay

Jigiga-(Berberanews)-Inta la xaqiijiyay 13 qof oo saddex ka mid ahi carruur yihiin, ayaa ku dhintay fatahaadda Togga Faafan ka dib markii roobab laxaadle xalay ka da’een magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Somalida Itoobiya.

illaa hadda waxaa la la’yahay 55 qof oo laga cabsi qabo inuu la tegay dooxu, sidoo kalena khasaare xagga dhismayaasha ah oo fara badan ,ayaa ka dhashay fatahaadda Dooxa Faafan. 

Roobabkii Xilliga Gu’ga, ayaa Xaley ka da’ay magaalada Jigjiga iyo deegaanada hoos-yimaada, iyadoo shalay roobab lagu qabowsaday ka da’een. jIGJIGA