Cali Guray Oo Ka Hadlay Wakhtiga Ay Maxkamadda U Gudbinayaan Dacwad Ka Dhan Ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Hargeysa  (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf  (Cali Guray), ayaa qoraal yar oo uu baahiyay waxa uu ku sheegay maalinta ay Maxkamada magaalada Hargeysa u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

cali-guray
 

Waxaana qoraalkan uu baahiyay Cali Guray uu u dhignaa sida tan.

“Horaanta todobaadka dambe waxanu hadii Alleh yidhaa bilaabi doonaa in haya’daha ku shaqada leh u gudbino dacwad ku saabsan khilaafka UCID. Waa Sabtida ama Axadda oo taariikhu ku beegan tahay 16-17 bishan lagu guda jiro. anagoo marti uga ah cadaalad iyo in sharciga lagu kala baxo oo cidii ku xadgudubtay kuna xadgudbaysa Xeerka Xisbiga UCID talaabo sharciga waafaqsan laga qaado.

Ilaa Maxkamadda Sare ayaa laga yaabaa inay dacwadani ay socon doonto. Wax qarsoona ma noqon doonto si loo wada ogaado wax la isku hayo iyo khilaafka UCID dhinaca aanu ka taaganahay Gudoomiyuhuna dhiniciisa isagu u cadeeyo.

Waxanu ku rajo waynahay in sharciga loo sinaan doono dhan kastana cadaaladdu waxay u goyso ay heli doonto hadii Alleh yidhaa marka natiijada la gaadho ee go’aanka kama dambaysta ahi soo baxo.

Tan kale waan soo dhawaynayaa taariikhda uu Xoghayaha Golaha Dhexe u cayimay Kalfadhiga Golaha Dhexe oo waafaqsan Xeerka Xisbiga wixii aan Xeerka Xisbiga ahaynina wuu iga reeban yahay mana taageersani. Sidii uu sheegay Xoghayaha Golaha Dhexe waan waafaqsanahay in cid waliba dhinaceeda ay joojiso muranka iyo yoyootanka la isu marinayo saxaafadda ee aan waxba tarayn wax ay sii xumayso mooyee

Ugu dambaystii waxan Ilaahay baryayaa inu XAQA XAQNIMO INOO TUSO RAACISTIISANA INAGU HANUUNIYO

BAADILKANA BAADIL INOO TUSO KA DHEERAAN SHIHIISANA INAGU HANUUNIYO

Wa Bilaahi Tawfiiq