Puntland Oo Lacag Faalso Ah Ku Qarqisay Suuqyada Magaalada Laascaanood

Laasacanood (Berbera news) Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa laga soo sheegayaa in uu cirka isku shareeray qiimaha safirka doollarku, ka dib markii magaaladaasi ay soo gashay lacag shilin Soomaali ah oo faalso ah, taas oo sida la sheegay lagu soo daabacay bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.

lascano11-1

Lacagtan faalsada ah ee lagu soo daabacay magaalada Boosaaso ayaa la xaqiijinayaa in lagu farsameeyay  makiinad maamulka Puntland ka soo iibsaday dalka China, waxaana la sheegay in lacagahaasi faalsada ah ay sababeen kor kac ku yimi qiimaha dollarka ee magaalada Laascaanood.

Makiinadan oo sida la sheegay taalla bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, waxa ka hawlgalaya shaqaale Hindi ah oo xirfad u leh daabacada lacagta faalsada ah, taasi oo saamayn ku yeelatay suuqyada sarifka lacagaha ee gobolka Sool.

Qiimaha sarifka boqolka dollar ayaa hadda magaalada Laascaanodo ka maraya laba mil iyo lix boqol oo shilin (26000000) halka uu markii hore boqolka dollar ka ahaa laba milyan oo shilin, waxaana sicir bararkaasi sida la sheegay saamaynta ugu xun ku yeeshay dadka danyarta ah iyo ganacsatada hoose.

Xidhibaan Cabdicasiis Xuseen Taarwale oo ka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka magaalada Laascaanood ayaa Wargayska DAWAN oo aanu warkan ka soo xiganay u xaqiijiyay kor kaca qiimaaha sarifka ee ay sababtay lacagaca faalsada ah ee magaalada kaga soo burqanaya dhinaca maamul goboleedka Puntaland, waxaanu yidhi “Way jirtaa  lacagtaasi, si xad dhaaf ahna way u soo gashay magaalada Laascaanood, waxaana laga soo waaridaa magaalada Boosaaso, waxaana culayskeedu ku dhacaa ganacsatada aan awooda lahayn iyadoo muceeshadiina ay halkii taagan tahay, waxaana sarifka lacag Soomaalidu ka kacay 100$ =2,050,000 shilin, halka uu hadda marayo 2,500,000 oo shilin, anaguna ka xukuumad ahaan iyo gole deegaan ahaanba waanu la soconaa hawlgalkeedii iyo go’aamadeediina si dhaqso ah ayaa loo fulinayaa.”

Berbera news. Hargeysa