Maxkamad xukun ku riday dadkii loo haystay qaraxii Daalo

Muqdisho-(Berberanews)-Maxkamad Ciidan ayaa magaalada Muqdisho xukun xabsi daa’in ah ku riday labo nin oo ay sheegtay in lagu helay danbi ah in ay maleegeen qaraxii loo gaystay diyaaraddii Daalo Airline labadii bishii Febraayo ee sanadkan markaasoo ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde.

Sidaas oo kale sideed eedeysane ayaa lagu xukumay xabsi u dhexeeya afar sano ilaa lix bilood.

Safiyo Cabdullaahi Xasan oo ahayd gabadha kaliya ee ku jirtay dadka loo haystay dacwadaasi ayaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ciidan ah.

Dacwada kiiska la xiriira qaraxii diyaaradda Daalo ka dhex dhacay wax yar uun kadib markii ay ka kacday garoonka Muqdisho barqanimadii ay bisha Febraayo ahayd 2 sanadkan 2016ka ayaa soo martay dhawr dhagaysi iyadoo tirada dadka loo haystay ay dhanaayeen 15 qof oo mid kamid ah dacwadiisa la qaadayay isagoon gacanta lagu hayn.daalo

Dadka loo haystay dacwadan ayaa isugu jiray shaqaale garoonka ka shaqayn jiray, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo dad kale kuwaas oo la soo qabqabtay kaddib baaritaano ay sameeyeen laamaha sirta ee dawladda Soomaaliya.

ukunka saaka ay riday maxkamadda darajada koobaad ee ciidammada ayaa xabsi daa’in lagu xukumay Cabdiwali Maxamuud Macoow oo kamid ahaa shaqaalaha garoonka Aden Cadde oo ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay danbigii lagu soo oogay iyo Carays Xaashi Cabdi oo isagoo maqan isna lagu xukumay xabsi daa’in.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidammada gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhaawaqay xukunka lagu riday labada nin ee ay sheegtay in ay ahaayeen maskaxdii ka danbeysay qaraxii loo gaystay diyaaradda Daalo.

Gaashaanle sare Shuute ayaa sheegay in ciddii wax ka tirsanaysa xukunka lagu riday dadkii loo haystay qaraxii diyaaradda Daalo ay u furantahay in ay racfaan ka qaataan maxkamadda sare ee ciidammada.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in markii hore la doonayay in computer ka gacanta lagu qaato ama laptopka qaraxa lagu xiray lala raaco diyaaradda Turkish duullimaadkeedii Muqdisho Istanbuul isagoo uu sido Cabdisalaan Cabdullaahi Boore oo ahaa ninkii markii danbe ku dhintay qaraxii diyaaradda Daalo ka dhex dhacay loona malaynayo in uu isagu diyaaradda isku dhex qarxiyay.

Xigasho Bbc