Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya oo ka hadlay xasuuqii Jaamac-dubad

Melbourn(Berberanews):- Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Dadkii Shacabka ahaa ee shantii bishan Ciidammada Liyuu Booliska iyo Kuwa Federaalka Ethiopia ku laayeen deegaanka Jaamac-Dubbad oo ka tirsan degmada Gaashaammo ee gobolka Jarar ee Bariga dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar oo ku sugan magaalada Melbourn ee waddanka Australia, ayaa oo u warramay Idaacad dalkaas ku taallaa, waxa uu sheegay inay labada dhan dhinaca Shacabka iyo dhinaca Ciidankaba Khasaare jiro, isla markaana uu yahay mid aan loo baahnayn in cidi ku dhimato marka loo eego sababta isku dhaca keentay ama dhalisay.

Waraysiga kooban ee uu Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar bixiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-