Faransiiska iyo Jarmalka oo ku heshiiyay inay maareeyaan tallaabada Britain kaga baxday Midowga Yurub

Barlein(Berberanews):-Raysal-wasaaraha Jermalka Angela Merkel iyo Madaxwaynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa sheegay in ay si dhammaystiran uga heshiiyeen sidii loo maarayn lahaa go’aanka waddanka Britain kaga baxay Ururka Midawga Yurub.

Hollande ayaa ka digay inay tallaabada Britian kaga baxday Midawga Yurub horseeddo kala qaybsanaan Midawga soo food-saara, waxaanu sheegay inay kala qaybsanaantu horseedi karto kala qoqobnaan, Muran iyo Mucaaradad cusub, isla markaana loo baahan yahay inaanay taasi dhicin ee la xoojiyo Midnimada iyo Awoodda Midawga Yurub.

Waxay Hoggaamiyeyaasha Jarmalka iyo Faransiisku wadahadal ku yeesheen maanta magaalada Baarliin ee Caasimadda Jarmalka oo lagaga jiro bartanka dhagdhaqaaq badan oo Dublamaasiyadeed oo ku saabsan go’aanka Britain ay kaga baxday Midawga Yurub.Raysal-wasaaraha-Jarmalka-iyo-Madaxweynaha-Faransiiska

Lacagta Giniga loo yaqaanno ee Britain ayaa hoos u sii dhacday subaxnimadii hore ee Isniinta markii sidaa loo furay suuqyada saamiyada ee Aasiya. Xoghayaha maaliyadda ee Britain, George Osborne ayaa qoraal uu soo saaray intii aysan suuqyada Britain furmin ugu baaqay daganaan la muujiyo.

Wuxuu sheegay in UK ay diyaar u tahay wajihitaanka mustaqbalka oo uu ku tilmaamay in uu wanaagsanaan doono in kasta oo uu aqbalay in uu culays jiri doono.

Xigasho BBCSomali.com.