Ilayska Muddo-kordhin mar kale loo sameeyo Siilaanyo oo Ifaya, Fallaadhaha Dib-u-dhaca & Fahanka Fadhigii Maanta!

Hargeysa(Berberanews):- Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaamiyo iyo Xisbigeeda Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa bilaabay qorshayaal loogu gogol-xaadhayo muddo kordhin mar labaad loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, isla markaana dib u dhigi kara qabashada doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo u muddaysan bisha Maarso ee sannadka 2017-ka ee foodda innagu soo haya.

Muuse Biixi, Cabdiraxmaan-CIRRO iyo Faysal Cali Waraabe

Muuse Biixi, Cabdiraxmaan-CIRRO iyo Faysal Cali Waraabe

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa iftiimiyey jiritaanka tuhun hadal-hayntiisu beryahanba Bulshada dhexdeeda ku badnaa oo la xidhiidha inay Madaxtooyadu qorshaynayso sidii mar labaad muddo kordhin loogu samayn lahaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan-Saylici.

AXMED-SIILAANYO IYO CABDIRAXMAAN-SAYLICI 2016

AXMED-SIILAANYO IYO CABDIRAXMAAN-SAYLICI 2016

Waxa uu Xildhibaan Xasan Cawaale sheegay inay muhiim tahay in la kala reebo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isla markaana la soo horreysiiyo ta Golaha Wakiillada, muddo kordhin ugu yaraan laba sano ahna loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.

Hadalkan Xildhibaanka, ayaa ku soo beegmay Sabtidii Maanta oo ay Kulan ku yeesheen magaalada Hargeysa Hoggaanka Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, kaasoo ay kaga wadahadlayeen Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo is-faham la’aan badani ka taagan tahay sida ay gobolladu u kala helayaan, Madaxweynuhuna dhawaan dib ugu soo celiyey Wakiillada, isla markaana ay Xisbiyadu isla eegayaan qaabka gobolladu u qabansanayaan Kuraastaas doorashada hore loogu muddeeyey bisha saddexaad ee sannadka 2017-ka ee foodda innagu soo haya.

Hase-yeeshee, waxa ila-wareedyo ka ag-dhawaa shirkaas iyo kuwo goob-joog ka ahaaba u sheegeen Aftahannews in la isku mari waayey doodda ay hoggaanka Xisbiyada oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyeyaasha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Xubno kale oo kala weheliyey, ka dib markii sida la sheegay KULMIYE Shirka keenay in loo baahan yahay in doorashada Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiillada oo Baarlamaanku ansixiyey in isku maalin la qabto la soo kala horreysiiyo.

HALKAN RIIX WARBIXINTA OO DHAMMAYSTIRAN