Abwaan AXMED SICIID (AFGUDHIYE) waxa uu ka mid yahay abwaanada miisaanka iyo magaca ku leh suugaanta soomaalida
Waxa lagu yaqaan inuu bulshada itaalka daran u yahay af hayeen oo uu codkooda tix iyo tiraab ku gudbiyo.
AFGUDHIYE waa abwaan aan jeclayn in la buunbuuniyo oo waa shaqsi kalsooni badan cabashadana aan u dhalan oo iimaankiisu qani yahay.
Mudooyinkii u danbeeyay abwaankani wuxuu u jiifay xanuun isagoo muddo yaallay magaalada boorama waqtigana wuxuu ku xanuunsanayaa hargaysa,hadaba waxay su,aashu tahay:
MA BEENBAA DAREENKA KALGACAL EE DADKEENU KU QAABILAAN QOFKA EHELKA U AH SUUGAANTA KAASOO AAD MOODO IN JACAYL WAYN LOO QABO ABWAANADA?!
ABWAAN SOO DHAWAW,ABWAANKA U BANNEE,ABWAANKIIBAA JOOGEE HALA DHAGAYSO,ABWAANKA ,ABWAANKA,ABWAAN,ABWAAN………………
hadii dareenkaasi run yahay maxaa loo arki waayaa waqtiga qofkaasi jilicsanaado siiba kuwa inta badan bulshada hiilka ku tara ee xaqooda raadiyaa miyaan abaalkooda loo celin karin xataa 10%?
Gargaar ilaahaybaa leh inagana xilbaa ina saaran mana aha in qofka si wanaagsan loogu ooyo loona aaso lkn hiilku wuxuu banaanyahay inta qofku kuu muuqdo ee uu tabayo hiilkeena.
Ilaahay abwaaka iyo inta kale ee xanuun hayo caafimaadkooda ha usoo celiyo .