Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Tacsi u Dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxay Alle Ha U Naxariistee Marxuum Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur Oo Ku Geeriyooday 17/08/2016 dalka Turkiga, Oo uu Xaalad Caafimaad u Jiifay.

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur oo ku geeriyooday 17/08/2016 dalka Turkiga, oo uu xaalad caafimaad u jiifay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey waayeel waayo arag ah oo hoggaamiye dhaqameed ruug cadaaya, muddo dheerna ku hawlana horumarka iyo isku duubnida shacbiga Somaliland ku dhaqan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, golayaasha qaranka, guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

                 Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha Xafiiska Saxaafada eee Madaxtooyada  JSL.