Madaxweyne Silaanyo oo Naxash saaray mustaqbalkii ardayda Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa(Berberanews):-Madaxweynah Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa naxash saaray yididiiladii iyo mustaqbalkii arayda Jaamacadda Hargeysa ka dib markii uu magacaabay Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa maamuli doonta,oo u badan masuulliyiinta dawladda iyo ganacsato.

Go’aanka Madaxweynuhu ku magacaabay Guddigan, ayaa mugdi iyo rajo xumo u horeesdi doona hannaankii waxbarasho iyo kii tayo ee jaamacaddaba laba arrimood dartood;.

Qodobka koowaad: masuulliyiinta xukuumadda u badan ee iyagu horeba ugu fashilmay waxqabadkii bulshada Somaliland ka sugaysay, kana gaabiyay masuulliyadii loo igmaday oo ay kaga mashquuleen siyaasado beelaysan iyo hannaan macaash doon ah oo oo niyad-jab iyo quusba shacabku ka taaganyihiin.

Qodobka labaad: Madaxweynuhu wuxuu Guddigan ku daray masuulliyiin ka kala socda labada shirkadood ee Dahabshiil iyo Telesom oo uu ka dhexeeyo loolan aan dhiig ku daadan oo ay ugu baratamayaan shacabka Somaliland, midkastaana iska eegayso tan kale, sidaas darteed dagaalkii ka dhexeeyay labada shirkadood wuxuu ka dhex dilaaci doonaa Jaamacadda Gudaheeda, oo mid kastaaba ay damci doonto inay muuqaallo xayaysiis ay ku sammaysato gidaarada Jaamacadda ama taawaro ka dhex samaysato. taasina waaa qodob labaad oo marag ma doon u noqon doona in loollanku saammayn weyn ku yeelan doono hannaanka waxbarasho iyo maamul ee jaamacadaba.

Waxaannu halkan idiinku soo gudbin doonaa war-saxaafadeedka madaxweynuhu ku magacaabay Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu JSL/M/XERM/249-4264/092016 tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood.

 Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada.

Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday;

In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:

  1. Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha Guddida).
  2. Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).
  3. Abdillaahi Ibraahin Habane Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.
  4. Cali Cabdillaahi Daahir Madaxa ICT Commission-ka.
  5. Liibaan Ismaaciil Maxamuud Guddida Xuquuqal Iinsaanka.
  6. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Duqa Caasimadda Hargeysa.
  7. Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
  8. Maxamed Faarax Xirsi Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta.
  9. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ganacsatada.
  10. Cabdikariin Maxamed Iid Ganacsatada.
  11. Suldaan Axmed Daahir Muuse Culimada.

Guddidu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeerka Jaamacadda Hargeysa.”

Berberanews.com

Hargeysa, Office

info@berberanews.com