Deegaanno ka tirsan gobolka Saaxil oo afar qof ku dhinteen

Hargeysa (Berberanews) Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta shaacisay in cudurka jadeecada lagu arkay deegaanno ka tirsan gobolka Saaxil oo afar qof u dhinteen ilaa 40 qof oo kalena laga daaweynayo. Waxaa jadeecada lagu arkay deegaannada Laasaciidle iyo Xagal.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa sheegay in dowladda ay dawooyin u dirtay deegaanada lagu arkay cudurkan. Jadeecada waxay ka mid tahay cudurrada sida degdegga ah u faafa.

Mas’uuliyiinta Somaliland iyo hay’adda Qarmada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF ayaa tan iyo sanadkii la soo dhaafay waday olole cudurka jadeecada lagaga talaalayo in ka badan hal milyan oo caruur ah oo da’doodu ay u dhexeyso 9 bilood ilaa iyo 9 sano.cudurka-jadeecada