Qaar ka tirsan Ciidammada Milateriga Turkiga ee ku sugan Xarunta Nato oo magan

Berlin-(Berberanews)-Qaar ka mid ah militariga Turkiga ee ku sugnaa xarunta NATO ee dalka Jarmalka ayaa megengelyo weydiistay dalkaasi.

Askartan oo ku sugnaa saldhig ku yaalla dhanka Koofur-Galbeed ee Jarmalka lama sheegin tiradooda.

Turkiga ayaa xidhay kumannaan ka mid ahaa shaqaalaha dowladda ka dib markii uu dhacay afgembigii fashilmay bishii July._92476363_91c08b29-c5bd-45e1-b4df-b51a37a0e9b0

Xidhiidhka Jarmalka iyo Turkiga ayaa sii xumaanayay tan iyo markii uu dhacay isku deyga afgembigaasi.

Maamulka Berlin wuxuu walaac ka muujiyay xadhig wadareedka ay la kulmayaan dadka looga shakiyo inay afgembigaasi ku lug lahaayeen.