Qalab Casri Oo Muhiimmad U Leh Kalluumaysatada Oo Laga Hirgeliyey Berbera

Berbera (Berberanews)- Xaflad lagu soo bandhigay Hirgelinta iyo tabobarida qalab casri ah oo xukuumaddu ugu talo gashay inay isticmaallaan Kalluumaysatada dalku ayaa maanta oo khamiis ah lagu soo bandhigay magaallada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Qalabkan oo hirgelintiisa ay iska kaashadeen xukuumadda Somaliland gaar ahaanna wasaaradda kalluumaysiga iyo  Somaliland Fair Fashing, isla markaanna rakibaadooda iyo hirgelintooda ay fududeeyeen khubaro heer caalami ah oo u dhashay wadanka Denmarka kuwaas oo sahlay in dalka la keenno qalabkan ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga Dr. Fuaad Cabdisalaan XAsan oo goob joog u ahaa bandhiga qalabkan iyo hirgelintoodu waxaa uu sheegay in ay wax badan ka tari doonaan hawlaha manaafacaadsiga khayraadka baddeenna ku jira [Kalluunka]  maadaama oo iskaashatooyinka kalluunka ee dalku baahi weyn u qabaan helitaanka qaboojiyeyaal  lagu kaydiyo kalluunka. Agaasimaha guud waxaa uu farta ku fiiqay nooca iyo waxtarka qalabkan oo uu sheegay in ay yihiin kuwo lagu dahaadhay lingax awood u  leh inuu qabawga muddo keydiyo iyada oo la isticmaalayo tamar yar. daah-furka-qalab-casri-oo-muhiimmad-u-leh-kalluumaysatada-somaliland-oo-laga-hirgeliyey-berbera-2-1

Qoraal uu Dr. Fuaad Cabdisalaan Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka baddu ku baahiyey barta uu Facebook-ga kuleeyahay oo uu kaga hadlay arrintan ayaa waxaa uu ku yidhi Magaaladda  Berbera waxaanu ku soo gabogabeyney hirgalinta iyo tababarka qalab casri ah oo kalluumeysatadu isticmaali doonaan. Qalabkan oo lagu dahaadhayey qaboojiyayaasha Kalluunka ayaa awood u leh in uu ku keydinayo qabowga iyadoo tamar yar la isticmaalayo. Qalabkan ayaa kalluumeysata ka dabooli doona baahida weyn ee ay u qabeen tamarta dabka.

Waxaan u mahadcelinayaa #Somaliland_fair_fashing iyo khubaradii Denmark u dhashay ee fududeeyey in qalabkan casriga ahi Somaliland soo gaadho.

Sidoo kale shalay waxaa goob joog ka aheyn bilow dhismayaal ay ka mid yihiin xafiisyo wasaaradda kalluumeysiga ee gobol saaxil yeelanayo iyo geerash casri ah oo lagu sameyn doono laguna dayac tiri doono doonyaha oo berbera laga dhisayo.

Allaa Mahad Leh

Dr. Fuaad Cabdisalaan Xasan

DG_MoFMR