Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo noqday Shakhsiga ugu Awoodda Badan Siyaasiyiinta Dunida

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, ayaa kaalinta koowaad ka galay dadka ugu awoodda badan dunida dusheeda sida lagu sheegay warbixin jariirada Forbes ka diyaariso dadka ugu awoodda badan caalamka ee xagga siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Putin waxa awooddiisu kor u soo kacday waqtigan oo uu dunida ay ka jiraan xaaladdo adag iyo colaado, gaar ahaan waxa awooddiisu dibada u soo baxday sannad uun kadib markii xaaladda gobolka Kremlin siyaasadda arrimaha dibada caalamka aad uga muuqatay, isla markaana uu iska dhego tiray go’aanno iyo hadalo ka soo yeedhay hoggaamiyahaasha Maraykanka.

Madaxweynaha xilka Maraykanka wareejinaaya hawaan ee Barack Obama ayaa dib ugu dhacay kaalinta 48aad ee liiska kala horraynta shakhsiyaadka ugu awoodda badan, halka Madaxweynaha beddelaya ee Donald Trump uu ka soo baxay kaalinta 72aad, galayna kaalinta labaad, waxaana laga doodaya sida uu Putin ugula loolami karo kaalinta u horraysa muddada 12 bilood ah ee soo socda.3b5712fe00000578-4033370-image-a-63_1481728698609

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping waxa uu galay kaalinta afraad, halka shanaad uu galay baadariga Pope Francis.

Facebook oo sannadkan ay soo wajaheen dhibaatooyin badan oo dhinaca xidhiidhka dadweynaha ah, ayaan haddana mulkiilaha iyo aasaasaha leh ee Mark Zuckerberg uu galay kaalinta 10aad, isagoo hore u ahaa kaalinta 16aad.

Warbixinta oo dhammaystiran oo u daaban website Forbes, waxa ay muujisay in Madaxweynaha Faransiiska Mr. Francois Halland oo dhawaan xilka-wareejinayaa uu galay kaalinta 123aad, halka ninka warbaahinta ugu badan dunida leh ee Rupert Murdoch uu galay kaalinta 35aad. Sidoo kale hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un waxa uu noqday kaalinta 43aad.

Tirada qiimaynta shakhsiyaadka awoodda badan oo ku dhammaanaysa 74 waxa ugu dambeeya Mr. Chuck Schumer oo ah xildhibaan New York laga soo doorta, kaasoo beddeli doona bisha soo socta Harry Reid oo ahaa Hoggaamiyaha Xubnaha laga tirada badan (Senate Minority Leader).

Shakhsiyaadka magacyada weyn leh ee liiskan laga waayey waxa ka mid ah Ra’isal-wasaarihi hore ee Ingiriiska David Cameron oo xilka iska casilay kadib markii uu ku guul darraystay in Ingiriisku ka sii mid ahaado Midawga Yurub, isla markaan waxa uu waayey xubinnimadii Barlamaanka.

Kaalinta 11aad waxa ka soo mudh yihi haweenayda Ra’isal-wasaaraha ka ah Ingiriiska ee Theresa May, waxa kale oo liiskan ku jira Agaasimaha Fulinta (CEO) ee shirkadda Uber Mr. Travis Kalanick iyo Madaweynaha Philippines Mr. Rodrigo Duterte.

Warbaahinta Forbes oo sannad kasta liiskan soo saarta waxay diirada ku saarta shakhsiyaadka ugu awoodda badan dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo hoggaaminta diimeed.