Khasaaraha ka dhashay weerar lala beegsaday Turkiga

Dhowr qof ayaa ku dhintay, tiro badanna way ku dhawacmeen, qarax ka dhacay meel u dhawayd gaari bas ah, magaalada bartamaha Turkiga ee Kayseri, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.

Baska ayaa siday askar shaqada ka rawaxday sida ay wararku sheegayaan, wuxuuna hor marayey jaamacad markii qaraxu uu dhacay.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Dogan waxay sheegtay in qaraxa uu ka dhashay baabuur waxyaabaha qarxa la soo saaray._93008621_turkeyblast

Qaraxa ayaa imaanaya todobaad ka dib markii 44 qof lagu dilay weerar bambo oo ka dhacay magaalada Istanbul, kaasoo ay sheegteen mintidiinta Kurdiyiinta.

Kayseri waa halka uu qaraxu ka dhacay
Image captionKayseri waa halka uu qaraxu ka dhacay

Muuqaallo TVga laga daawaday ayaa muujinayey baska oo uu cardaadiqaha ka dhigay qaraxa.

Turkiga ayaa waxaa soo maray tirooyin qaraxyo ah oo loo nisbaynayo mintidiinta Kurdiyiinta iyo kooxaha jihaad-doonayaasha.

Faahfaahinta qaraxan ayaa weli soo baxaysa.

Xigasho Bbc