Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyaddeeyey Geeridii Ku Timi Suldaan Cabdiraxmaan Riwaaye

Hargeysa–(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee gudo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Suldaan Cabdiraxmaan Maxame Cilmi(Riwaaye) oo maanta(Arbaca) 21.12.2016 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah uu si gaara ugu dirayaa ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo bahda dhaqanka Somaliland, isaga oo Marxuumkaas ku sifeeyey in uu ahaa adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na u sama-fali jiray dadka danyarta ah, waxa kale oo uu ku tilmaamay in uu ka mid ahaa rukunadii dhidibada u taagay nabadda Somaliland oo si weyn uu uga soo qeyb-qaatay demintii colaadahii sokeeye ee Sagaashamaadkii iyo weli ba walaaleynta beelaha Somaliland oo aad looggu sii xasuusto in uu hormuud u ahaa sida oo kale na uu habeen iyo maalin ba u taagnaa soo afjaridda iyo nabad ka dhex-dhalinta beelaha walaalaha ah ee Habar-lammaan oo dhawaan dirir ku dhex-martay deegaanada bariga Somaliland, isaga oo sida oo kale xusay in uu ahaa shakhsi aan la ilaabi karin oo saaxiib u ahaa garasho iyo aqoon ba.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu Marxuumkaas Alle uga baryey in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo jannatul Fardowsa. Ehelkii, Qaraabaddii, Asxaabtii iyo gaar ahaan bahdii dhaqanka Somaliland ee uu ka baxayna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin… Amiin…

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN