Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Somaliland iyo Agaasimaha Guud Oo la Gudoonsiiyey Shahaado Sharaf + SAWIRRO

Hargeysa,(Berberanews) —Mudane ARHE HAMEDNACA oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Parliament-ka ee dalka Sweden, gaar ahaan Xisbiga talada haya ee Social Democrats, oo beryahanba booqasho hawleed ku joogay Somaliland ayaa maanta  Wasaarada Arrimaha Dibedda shahaado sharafyo ku gudoonsiiyey xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland  kuwaasoo kala ahaa Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Mixile Boqore iyo Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Abdeeq Maxamed.

Xildhibaanku wuxuu masuuliyiintan si mug leh ugaga mahad naqay sidii wacnayd ee qadarinta lahayd ee ay dalka ugu soo dhaweeyeen isaga iyo weftigii uu hogaaminayey, taasoo isaga ku reebtay xasuus, wanaag iyo inuu Somaliland mar walba u soo hiloobi doono.

Mudane ARHE HAMEDNACA, in kasta oo ay Dawladdiisa Sweden uga digtay imaatinka Somaliland oo uu in muddo ahba rabay inuu booqasho ku yimaado, wuxuu si mug leh uga markhaati kacay arrimo uu in badan Somaliland ka maqli jiray kuwaasoo ah Nabadda, Xasiloonida, Dimuqraadiyada iyo horumarka ay JSL ku talaabsatay taasi oo uu ku hambalyeeyey Shacabka iyo Qaranka Somaliland.

Kulankan waxa soo qaban qaabisay Wasarada Arrimaha Dibedda JSL, waxana goob joog ahaa dhammaan madaxda ugu sarraysa Wasarada, Dr. Saad Ali Shire, Professor Maxamed Mixile, DG CabdirahmanAbdeeq iyo Gudoomiyaha Hay’ada Qurbo Jooga Cabdi Cabdillaahi.