Madaxwaynaha dalka Philippine oo sheegay inuu diyaarad ka soo tuurayo qofka musuqmaasuq lagu qabto

Madaxwaynaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte ayaa ugu hanjabay saraakiisha musuqa ah in uu ka soo tuuri doono diyaarad hawada maraysa, isaga oo sheegay in uu sidaas sameeyay hadda ka hor.

Wuxuu sii raaciyay in qofkii musuqmaasuq sameeya uu magaalada Manila diyaarad kuwa-qumaaatiga u kaca ah uu ka saari doono ka dibna uu hawada ka soo tuuri doono.
Duterte ayaa wada dagaal ka dhan ah daroogada iyo musuqmaasuqa.
Waa sheegashadii u dambaysay ee ku aadan in madaxwaynuhu uu gacantiisa dad ku laayay
Afhayeenkiisa ayaan wax wayn ka soo qaadin hadalkaas madaxwaynaha wuxuuna sheegay in uu “dhal magaalo” yahay.
Bishan horraanteediina afhayeen kale oo la yidhaa Martin Andanar ayaa sheegay in ay dhabtahay madaxwaynuhu waxyaabaha uu ka hadlo balse aysan ahayn in sidiisa loo qaato hadal kaste oo uu yidhahdo.
Duterte ayaa hadalkan u dambeeyay ka sheegay isaga oo Talaadadii khudbad u jeedinaya dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay duufaantii ku dhufatay bartamaha Philippine.
Ciqaabta diyaaradda laiska soo tuurayo ayuu u jeediyay qofkaste oo isku daya in uu xado gargaarka uu u balan qaaday dadka dhibaataysan.
Duterte oo Obama ku yiri “Naarta ka Cab”
USA oo ka walaacsan hadallada madaxweynaha Philippines
Wuxuu sheegay in uu horay sidaas u sameeyay, haddana aysan jirin sabab u diidaysa in uu ku celiyo ficilkaas, dadkii uu la hadlayay ayaana u sacabeeyay.
Muuqaalka laga duubay khudbadan waxaa baahisay madaxtooyada.
Khamiistii ayuuse madaxwaynuhu u muuqday in uu iska fogaynayo sheegashadiisii hore
“in qof laga soo tuuro diyarad? Haddii ay taasi runtahay sidaa ma samaynayo ,” ayuu u sheegay ABS-CBN news oo uu waraysi siiyay.
Xigasho Bbc