Aragtida Saddexda Xisbi ee muddo-kordhinta xukuumadda Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada

Hargeysa(Berberanews):- Aqlabiyadda Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta meel-mariyey ama ansixiyey Muddo-kordhin cusub oo loo sameeyey Madaxweyne Siilaanyo, Madaxweyne Ku-xigeen Saylici, Golayaasha Wakiillada, Deegaanka iyo Guurtida-ba, waxaanay muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ku dareen 8 bilood oo ka bilaabmaya 28-ka bisha 4-aad ee April ee sannadkan 2017-ka
Xisbiyada Siyaasadda ee UCID, Waddani iyo Kulmiye, ayaa soo dhaweeyey muddada toddobada bilood ah ee ay Guurtidu u kordhiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo soo jeedintoodii aan wax badan khilaafsanayn, taasoo halkii ay ka soo jeediyeen in tobanka bisha tobnaad la qabto doorashada Madaxtooyada ay noqonayso in la qabto 13-ka bisha 12-aad ee 2017-ka.
Waxaannu Guud ahaan Muddo-kordhintaasi sidii ay u dhacday, Tirada Xildhibaannada oggolaaday, hal Xildhibaan oo ka soo horjeestay iyo dooddiisa, aragtida Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Somaliland iyo guud ahaan xaaladdii fadhigaasi ku furmay, kuna dhammaaday, idiinku soo gudbinaynaa Warbixintooda Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-