(Berbera news) Guddoomiyaha gobolka Togdheer Md.Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa eedo culus u jeediyey masuulkii xilka ugu horreeyey Md. Maxamed Ibraahim Qabo oo haatan golaha wasiirrada katirsan, waxana uu sheegay inuu gobolka xaalad abaareed geliyey waqti aanu arrinku gaadhsiisnayn gurmad degdeg ah.
Guddoomiye Ramaax oo warbaahinta Hargeysa ugu warramay, ayaa habacsanaanta dhinaca gurmadka abaarta ee gobolka uu masuulka ka yahay ka jirta u sibir-saaray maamul-xumo uu horseed ka ahaa Ex. Guddoomiye Qabo, isaga oo ku eedeeyey inuu hantii umadda iyo tii dawladdaba farraqay xilli aan loo baahnayn, “Anigu maan fashimine waxa fashilmay ninkii abaarta ku dhawaaqay xilli aan waqtigeedii ahayn ee mar kaliya farraqay wixii umadda loo hayey, gobolka Togdheer-na waxan tegay December oo ah xilliga ay Jiilaalka iyo gu’gu kala guuraan, Dayr badhtankeed baa abaar lagaga dhawaaqay xilli ay balliyadu buuxaan, wax allah wixii dawladdu haysay iyo wixii umaddu haysayba waa la iskugu geeyey, markaa ma baaqaas horaa qaldanaa mise kaygaa qaldanaa.” ayuu yidhi guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.
Isaga oo guddoomiye Ramaax Hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in balliyadii biyaha oo buuxa uu guddoomiyihii isaga ka horreeyey gobolka geliyey xaalad aan markaas lagu jirin, balse xilligan taagan oo aan waxba laga qaban Karin, waxana uu yidhi, “Iyada oo Balliyada Biyuhu ku jiraan, ayuu rag uu Qabo kamid yahay qaylinayey, waayo xilli Baaq abaareed lagu dhawaaqo mabay ahaynba oo soo guurto uun baa jirtey.”
Guddoomiyuhu waxa uu shaaciyey inay xukuumaddu ka diiday inuu gobolka geliyo xaalad degdeg ah, isla-markaana lagu wargeliyey inay hawshaas cid kale leedahay, taasina sababtay inuu gacmaha laabto, “Anigu halkii shaqadu taagnayd uun baan ka bilaabay, waxana ay xukuumadda usoo bandhigay inaan ku dhawaaqo xaalad degdeg ah, laakiin waa la iga diiday oo hawshaas uma xilsaarnid baa la igu yidhi, anna markaa inaan xafiiskayga ku eekaado uun weeye” ayuu yidhi guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan.
Mr. Ramaax, waxa uu eedo u jeediyey xukuumadda uu katirsan yahay, waxana uu sheegay inay iyadu calanka u siddo iska hor keenka umadda iyo fulin la’aanta go’aamada ay soo saarto, waxana uu yidhi, “Marka ay fulintii cabanayso ee kuwii laga rabay inay wax fulinayaan cabanayaan, iyada oo la kala xadeeyey dhul-beereedkii iyo dhul-daaqsimeedkii ayey haddana wasaaradaha qaarkood waraaqo usoo bixinayaan dhul aan dhul-beereed ahayn, markaa ma fulintii baa qaldan mise umadda loo talinayo, runtii fulintii baa qaldan.”
Berbera news.