Waxaa la helay qabri la sheegay in lagu aasay gabadhii Fircoon, muddo hadda laga joogo illaa 3,700 sano ka hor, waxaana la rumeysan yahay in hadhaaga uu yahay gabadhii Fircoon.
Waxaa hadhaagan laga helay mid ka mid ah Ahraamta Masar.
Wasaaradda qaabilsan arrimaha aasaarta Masar ayaa sheegtay in ahraamta qaddiimiga ah ee Dahshur laga helay sanduuq alwaax ka sameysnaa oo lagu xardhay calaamado kala duwan.
Waxaa sanduuqa gudihiisa laga dhex helay weel yar oo laga buuxiyay jirka banii’aadanka, kaas oo loo maleynayo in uu yahay meydka gabadh loo maleynayo in uu dhalay mid ka mid ah boqoradii faraaciintii ka talin jirtay Masar, kaas oo lagu magacaabo Emnikamaw.
Khuburrada ku takhasusay taariikhda dadkii hore iyo cilmibaarista aasaarta cilmiga haraaga iyo dhulka hoostiisa, ee baarayay ahraamta ayaa helay goob lagu xardhay astaamo uu ka soo muuqday magaca Emnikamaw.
Dhawaan ayay aheyd markii la helay doon cajiib ah oo ay lahaayeen dadkii hore oo qadiimiga ah, taas oo la sameeyay waqtigii Faraacinada, ayaa waxaa la geeyay hoygeeda cusub, waana Matxafka wayn ee Masar ee Giza, kaas oo lagu wado in sannadkan laga furo meel u dhaw Ahraamta dalkaas.
Ahraamta qaddiimiga ah ee Dahshur waa goobtii fadhigga u aheyd, isla markaana uu dhisay boqor Sneferu, xilligii maamulkii boqortooyada afaraad ee Masaridii hore.
Wuxuu sidoo kale boqorkan dhisay ahraam kale oo qaddiimi ah taas oo dheereerkeedu lagu qiyaasay 105m.
Boqor Seneferu waxaa xilka kala wareegay wiilkiisa Khufu, kaas oo caan ku ahaa Ahraamta weyn ee Giza- oo dheereerkeedu ahaa 138m- ahraamtaas ayaa ka mid ah waxyaabaha la yaabka leh ee dunida.
Bishii April ee sannadkan ayay aheyd markii magaalo 3,000 oo sano jir ah ee ku dhex aasantay ciida waddanka Masar, la helay taas oo helitaankeeda loogu riyaaqay in ay tahay mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee la gaaray tan iyo helitaankii qabrigii Boqor Tutankhamun.
Khubarada ku takhasusay taariikhda dadkii hore iyo cilmibaarista aasaarta ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qabuuro iyo macbad laga helay magaalada Saqqara, oo ah meel taariikhi ah oo ku taalla dalka Masar, gaar ahaan duleedka koonfureed ee magaalada caasimadda ah ee Qaahira.