Hargeysa: wiil yar oo ku dhintay dab

Hargeysa-(Berberanews)-Wiil yar ayaa ku geeriyooday dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Boqol-jire ee magaalada Hargaysa, sida lagu baahiyay warbixin lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka dab-damiska Somaliland.

“Alle haw naxariistee wiil yar ayaa ku dhintay guri Jiingada oo dab qabsaday xaafada Boqol-jire ee magaalada Hargeysa” ayaa lagu yidhi warbixinta uu dab-damisku baahiyay.

“Ciidanka Dab-demiska ayaa gurmad u fidiyay, waxaanay Maydkii ka soo saareen gudaha hore ee guriga, sidoo kale ciidamada ayaa damiyay dabkaas , kana xakameeyay guryihii kale”.

Dab-damiska ayaa ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista oo hawlgalkaa goobjoog ka ahaa ku  wareejiyay maydka.