Hargeysa: Bandhiggii Buugga “Hogatuska Nolosha” ee Hadraawi

Hargeysa-(Berberanews)-Magaalada Hargeysa, waxa xalay lagu soo bandhigay buugga “Hogatuska Nolosha”, oo ah dhigane xanbaarsan tix iyo tiraab dhaxalgal ah, oo abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” ku hogatusaaleeyey geeddisocodka nolosha iyo waayaha ku gedaaman. Waa buug qoristiisa uu tacab badan geliyey, Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”, is la markaa na wax badan kaga duwan buuggaagtii hore ee la qoray abwaanka. Waa na dhigane bulshadu si weyn uga faa’idaysan karto, gaar ahaan dhallinyarada, oo abwaanku saaxiib dhow la ahaa beryihii u danbeeyey.

Halkan ka daawada sidii uu bandhiggu u dhacay: