Aktarada caanka ah ee Kareena Kapoor oo laga helay Covid-19

India-(Berberanews)-Kareena Kapoor, oo laga helay cudurka ‘coronavirus’ Isniintii, December 13, ayaa taageerayaasheeda u cusboonaysiisay xaaladeeda caafimaad.

Jilaaga Jab We Meet ayaa u xaqiijisay taageerayaasheeda iyo dadka wanaaga jecel inay fiicantahay waxayna ka codsatay kuwa la soo xidhiidhay inay is tijaabiyaan goor hore.

Xidigta Heroine ayaa Instagram-ka
soo dhigtay qoraal ay kula hadlayso aageerayaasheeda.
“Waxaan iskka tijaabiyey cudurka [Covid-19]. Isla markiiba waan is go’doomiyay anigoo raacaya dhammaan borotokoolka caafimaadka. Waxaan ka codsanayaa qof kasta oo ila soo xidhiidha inuu fadlan iska baadho. Qoyskayga iyo shaqaalahayga sidoo kale laba jeer ayaa la tallaalay. Waad ku mahadsan tihiin, waxaan dareemayaa wanaag, waxaana rajeynayaa inaan dhowaan soo kici doono”, ayay qortay Kareena.