Kenya oo laga helay kiiskii ugu horreeyey nooca cusub ee Corona Virus

Nairobi – Dawladda Kenya ayaa diiwaangelisay kiisaskii ugu horreeyey ee Korona fayraska cusub ee Omicron oo laga helay qof safar ah, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi maanta.
Wasiir Mutahi Kagwe ma aannu shaacin tirada kiisaska ee la ogaaday ilaa iyo hadda.
Warkan ayaa imanaya saacado uun kadib markii uu sheegay in aanay dalka Kenya ka jirin kiisas la xidhiidha noocan cusub, inkastoo kiisaska Korona ay sare u soo kacayaan.
Dadka shacabka ah ayaa sidoo kale ku warramaya in kiisaska hargabka ee dalka ka jira ay sare u kaceen.
Dadka laga helayo cudurka Covid-19 ee dalka Kenaya ayaa laba jibbaarmay, waxana Salaasadii shalay oo keliya la diiwaangeliyey 331 kiis oo cusub, waana tiradii ugu badnayd ee waayadan la diiwaangeliyo.
Wadarta guud ee kiisaska Covid-19 ayaa joogta 256,815 oo ay ku jiraan 5,349 dhimasho ah.
Dawladda ayaa ku baaqaysa in dadku tallaalka qaataan.
Maxkamad ku taal Kenya ayaa hakisay amarkii dawladda ee in dadka aan la tallaalin laga mamnuuco inay helaan adeegyada laga bilaabo 21ka December maalintii Salaasada ee toddobaadkan.