Faalo: Xuseen Cali Nuur
Maahmaahdani waxay muujinaysaa ahmiyadda ay leedahay in qofku ku kalsoonaado waxa uu ILAAHA Weyni ku manaystay oo uu siiyey. Waxay ina baraysaa in aan loo hanqal taagin wax aanad lahayn. Maahmaahdani waxa sii xoojinaya maahmaah Carbeed oo macnaheedu yahay in toob la soo ergistay aannu cawro qarinnayn.
Labadan maahmaahood waa kuwo xilligan u baahan in aan fiiro gaar ah siino. Fiiradaa oo ka duwanaanaysa qaab dhaqameed muddo dhawr iyo labaatan sannadood ah soo jiray oo salka ku hayey qiimeynta lacagta iyo sicir-bararka.
Sicir-bararka maanta dalka wareeriyey bilowgiisii wuxuu ahaa, markii aan ku soo noqonay dalkeenna la burburiyey ee Somaliland oo aan ka duwanayn aayo-xumada mid la mid ah kii dagaalkii labaad ee Adduunka markii magaalooyinka Hiiro-shiima iyo Nagasaaki lagu burburiyey hubka Nukliyeerka ah ee Atoomik Bom.
Afartan jir wixii ka weyn waxaan xasuusinayaa, inta aan da’daas gaadhin ee ka yarna waxaan xasuusinayaa in lacagta Jamhuuriyadda Somaliland la soo daabacay sannadkii 1994kii. Noocyada lacagtuna waxay kala ahaayeen, hal shilin oo qaddaadiic ah, 5 shilin, 10 shilin, 20 shilin, 50 shilin, boqol shilin baana u sarreeyey.
Sannadkaas iyo intii ka horreysay ganacsato reer Somaliland ah oo bangiyo shisheeye ah xisaabaad ku lahaa ayaa alaabta dibadda ka soo waaridi jiray. Dalku abaal weyn ayuu u qabaa, iyaguna faa’iidada ay ka heleen Jamhuuriyadda Somaliland waa mid aanay waligood hore u arag. Waxaanay meesha ka saareen lacagta shilinka ee ganacsiga lagu qiimeyn jiray. Waxaanay ku beddeleen doolarka aan maanta weli isticmaalayno.
Sannadkii 1994-kii sarifka boqolka Doolar wuxuu ahaa 10 kun oo shilin oo Somaliland ah, maantana waxa uu u dhexeeyaa 850 kun oo shilin ilaa 860 kun oo shilin (850,000 ilaa 860,000SLSH). Heerkan sarifku inkastoo markii ugu horreysay afartii sannadood ee ugu dambaysay la hakiyey,Taasi waa guul.
Qiimaha raashinka iyo badeecadaha aasaasiga ah labadii sannadood ee ugu horreeyey cudurka Coronavirus waxa ku kordhay Jamhuuriyadda Somaliland gudaheeda aad bay u yaraayeen. Hase ahaatee, intii ka dambaysay dib u furista dhaqdhaqaaqa ganacsi ee caalamiga ah, sicir-bararku aad ayuu inoo saameeyey.
Sicir-bararku waa mid xawli aad u sarreeya u kordhaya. dalka Somaliland iyo shacbigiisaba uma cuntamayso in sicir-bararka loo adeegsado hub siyaasiya. Waxa loo baahan yahay in la ogaado in haddii xaaladaasi sii jirto ay noqon karto mid halis ku ah nabadda, xasiloonida, deganaanshaha iyo nolosha guud ee shicibka.
Si looga badbaado waxa loo baahan yahay in laga yeesho qorshe wakhtiga dhow ah iyo mid wakhtiga fog ah oo si wadajir ah ay uga qaybgalaan ganacsatada, maalqabeennada, aqoonyahannada iyo Xukuumaddu.Waxay ila tahay:-
• In qiimeynta ganacsiga ee doolarka lagu beddelo shilinka Somaliland. Waa hawl adag oo la mid ah cadow buuraley lagula dagaalamayo, hase ahaatee in laga guulaysan doono waxa caddaynaysa maahmaahda Ingiriisiga ah ee macnaheedu yahay Rooma maalin laguma dhisin.
• In Xukuumaddu kordhiso wax-soo-saarka beeraha ee ay gacanta ku hayso.
• In maalqabeennada, shirkadaha waaweyn iyo shacbigu si buuxda uga qaybqaataan wax-soo-saarka baahiyaha aasaasiga ah oo ay ka mid tahay cuntadu.
• In shirkadaha waaweyn kordhiyaan shaqo-abuurka.
Waxaan leeyahay waa u wada dan cid kastaba, waxaana lagu maahmaahaa “daanyeerkuba biyaha gacmihiisuu kaga dhergaa” haddaba innaga maxaa inoo diidaya in ganacsigeena lagu qiimeeyo lacagta Somaliland, mar haddii aynaan ahayn gobol ka tirsan dalka Maraykanka.
Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.