Dablay Hubaysan oo Weerar ka Fuliyey Gudaha Laascaanood Xalay

Laascaanood-(Berberanews)-Koox dablay hubaysan ah, ayaa weerar ku qaaday ciidammada dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool saqdii dhexe ee xalay.


Dablayda oo lagu sheegay inay yihiin fallaagada la baxay SCC oo uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Faysal Falaalug, waxa uu iskahorimaad muddo kooban socday gudaha Laascaanood ku dhexmaray ciidammada qaranka Somaliland oo ku qasbay inay fallaagadu degdeg uga baxaan magaalada.
Ilo degaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayeen dablayda iyo ciidammada qaranka Somaliland xilli saq dhexe ahayd oo inta badan dadku hurdeen.
Warku waxa uu intaas ku daray, in falkaasi cabsi ku abuuray shacabka reer Laascaanood.
Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland, laamaha amniga iyo maamulka Gobolka Sool.
Dagaalka ayaa markii dambe istaagay, waxana dib u noqday fallaagada  SSC ee weerarka soo ka qaaday, kadib markii ciidanka qaranka Somaliland dhirbaaxo kulul ku dhufteen.
Waa markii ugu horreysay ee fallaagada la baxay SCC weerar ka fuliyaan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas ay ku yaallaan saldhigyada ugu badan ee ciidammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Berberanews.com
Info@berberanews.com