Wasiir Maxamed Kaahin oo ka badbaaday shil gaadhi

Laascaanood-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka badbaaday shil gaadhi, kadib markii ay isku dhaceen gaadhigiisa iyo baabuur ay saarnaayeen ciidanka RRU-da meel u dhexaysa magaalooyinka Laascaanood iyo Xuddun ee Gobolka Sool duhurnimadii maanta.


Shilka uu ka badbaaday Wasiir Kaahin oo hoggaaminaya wefti ka tirsan xukuumadda Somaliland oo beryahanba ku sugan degaannada Gobolka Sool, waxa ku dhaawacmay dhowr askari oo ka mid ah ciidanka RRU-da oo ilaalo u ah weftiga.
Askarta ku dhaawacmay shilkaas, ayaa wararku sheegeen in loo qaaday dhinaca Cusbitaalka magaalada Laascaanood oo haatan lagu dabiibayo.
Sidoo kale, waxa shilkaas burbur xooggan ka soo gaadhay gaadhiga Wasiirka Daakhiliga iyo baabuurka ciidanka ee ay isku dhaceen.

Berberanews.com
Info@berberanews.com