Somaliland Chronicle oo ah joornaal uu soo saaro Mohamed oo ah reer Berbera, ahna masuul u shaqeeya dawlada hoose ee Government of Massachusetts, ayaa la xidhiidhay Michael Rubin, si uu u weydiiyo waxa uu kala socdo Senator James E.Risch, oo soo jeediyey in is badal muhiima lagu sameeyo sharciga Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka ama National Defence Authorization Act, si loogu daro heshiis sheegaya, in Maraykanka uu tababaro Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland, iyo heshiis amni oo u dhaxeeya Maraykanka iyo Somaliland.
Sidoo kale, waxa xeerka wax ka badalka National Defence Authorization Act ee ku saabsan Somaliland duhirnimadii maanta teleefan kaga jawaabay Cameron Hudson oo ka tirsan Atlantic Council’s Africa Centre.
Saacadaha soo socda waxa aan ka faaloonaynaa qorshaha NDAA ee khuseeya Somaliland goorta laga yaabo innuu dhaqan galayo iyo jawaabaha Michael Rubin iyo Cameron Hudson oo aan ku tarjunay Af- Soomaali.
WQ Axmed Adan