Somaliland oo ka hadashay qaddiyadda Jaamacadda Barwaaqo iyo Dugsiga Abaarso

Hargeysa -(Berberanews)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa markii ugu horreysay deedafeeyey gebi ahaanba eedaymo uu suxufiga la yidhaa Cabdimaalik Muuse Coldoon oo haatan ku xidhan xabsiga Madheere ugu jeediyey Jaamacadda Barwaaqo iyo dugsiyada Shabakadda Abaarso oo ku kala yaal duleedka woqooyi iyo galbeed ee caasimadda Hargeysa in lagu dhex faafiyo diinta Masiixiga.
Wasiir Albaani oo su’aalo lagu weydiiyey barnaamij lagu soo bandhigo waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Biixi oo afar-jirsatay si toos ah looga baahiyey Telefishanka Qaranka Somaliland xalay, waxa uu sheegay inuu rajo weyn ka qabo inay Jaamacadda Barwaaqo soo saarto gabdho aqoonyahanno ah oo dadka iyo dalka Somaliland aad anfici doona.
“Aad iyo aad ayaannu ugu hanwaynahay in ay ka soo bixi doonaan Jaamacadda Barwaaqo hablo aqoontii xambaarsan, si ay waddankooda ugu anfacaan, carruurta ugu anfacaan, waxana xaqiiqo ah in ay aqoontaas si fiican u xambaari doonaan.”
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa eedaynta Coldoon u jeediyey jaamacaddaas ku tilmaamay dacaayad aan sal iyo raad toona lahayn.
“Dacaayadda la fidiyey ee la yidhi iskuulkaas hablaha waa lagu gaalaysiiyaa ama kiristanka ayaa lagu baraa. Taasi wax xaqiiqo ah ma leh,” ayuu yidhi Wasiir Albani.

Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa xabsiga ugu jira eedaymo la xidhiidha in uu dacaayado ka faafiyey jaamacadan, isagoo wajahaya dacwado ay soo gudbiyeen maamulka iyo waalidiinta jaamacadda Barwaaqo.

Berberanews.com
Info@berberanews.com