Afrika-(Berberanews)-Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in ay ku deeqi doonto laba milyan oo qiyaasood oo ah tallaalka Johnson & Johnson COVID-19 dalalka kale ee Afrika si kor loogu qaado dadaalka tallaalka qaaradda.
Qiyaasaha, oo qiimahoodu ku dhow yahay $18m, ayaa laga soo saari doonaa xarunta wax soo saarka ee Aspen Pharmacare ee Gqeberha, oo hore u ahaan jirtay Port Elizabeth, waxaana loo qaybin doonaa wadamo kala duwan oo Afrikaan ah sanadka soo socda, sida lagu sheegay bayaan la soo saaray Jimcihii.
“Deeqdani waxay muujinaysaa midnimada Koonfur Afrika ee walaalaheenna qaaradda kuwaas oo aan ka midaysannahay la dagaalanka khatarta aan horay loo arag ee caafimaadka bulshada iyo barwaaqada dhaqaalaha,” Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa ku yidhi bayaanka.
“Sida kaliya ee aan uga hortagi karno faafitaanka COVID-19 oo aan u ilaalin karno dhaqaalaha iyo bulshada qaaraddeena waa in aan si guul leh u tallaalno tirada muhiimka ah ee dadka Afrikaanka ah oo leh tallaalo badbaado oo waxtar leh,” ayuu raaciyay Ramaphosa.