Muhiimadda shaqaalaha Aqalka Koongaraska Maraykanka

Shaqaalaha Congress-ka Maraykanku aad bay muhiim u yihiin. Sannadkii 2017kii oo aan ka mid ahaa koox Afrikaan ah oo booqday Aqalka  Congress-ka Mareykanka talada nala siiyey waxa ay ahayd in aannu awoodda saarno shaqaalaha oo aannu si faahfaahsan ugala hadalno arrimaha aannu doonayno. Waxa lagu sifeeyey taas in xildhibaannadu ay yihiin dad mashquul badan isla markaana aan waqti badan gelin arrin kasta oo ka soo hor baxa. Haseyeeshee, shaqaaluhu waxa ay u badan yihiin dad takhasus gaar ah leh, una xilsaaran inay xildhibaanka ka gacan siiyaan arrimaha uu/ay ka shaqaynayo/so. Iyaga ayaa inta badan diyaariya warbixinnada.

Waxa ay taasi ku xidhan tahay guddida ay ku jiraan xildhibaannada ay shaqaalaha u yihiin. Guddi hoosaadka sida gaarka ah ugu xilsaaran Afrika ayaa ah gudida looga dambeeyo arrimaha Afrika. Berigaas markii aan kala hadlay Somaliland waxa uu xildhibaankii aan la kulannay igu yidhi arrimaha Soomaalida waxa aannu u daba fadhinaa Keith Ellison, oo markii dambe ay beddeshay Ilham Cumar. Haseyeeshee, shaqaalaha aan aragnay xog badan ayey hayeen. Waxyaabaha aan ka xasuusto ee aannu sida gaarka u soo qaadnay waxa ka mid ahayd saamaynta xun ee ay shacabka Sudaan ku keentay cuna-qabatayntu.
Haddii shaqaalaha Somaliland soo booqday ay yihiin kuwo ka tirsan Guddida arrimaha debedda/Afrika ama ay u yihiin shaqaale mudanayaal awood badan leh wax weyn ayey u tari kartaa Somaliland. Marka ay noqdaan warbixinno ayey diyaarinayaan, isla markaana xog ayay ka siinayaan mudanayaasha ay u shaqeeyaan. Haddii safarkoodu qanciyey waa dad jooga meel awood leh oo soo hadal qaadi kara Somaliland mararka go’aannada qaar la qaadaa dhigayo. Waxa la yidhi dadka waxa u wanaagsan qofka xantaada hagaajiya adiga oo maqan.

Waxa qoray Gayaqaan  Guuleed Dafac.