Midowga Yurub iyo Poland oo xiisad siyaasadeed ka dhex dillaacday

EU-(Berberanews)-Midowga Yurub ayaa bilaabay tallaabo sharci ah oo ka dhan ah Poland maadaama ay iska indho tirtay sharciga ururka ayna wiiqday madax banaanida garsoorka, taasoo keentay canaan xoogan oo kaga timid Warsaw.

Raiisel wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa Arbacadii sheegay in go’aanka Midowga Yurub uu ka tarjumayo isbeddel ku wajahan “dhexdhexaadnimada xafiiseed” ee Brussels “waa in la joojiyo”.

Talaabadan ayaa kor u qaadaysa colaadii soo jireenka ahayd ee u dhaxaysay Warsaw iyo Brussels taas oo salka ku haysa Poland in loo arkay arkay inay dib uga noqotay xeerarka dimuqraadiyadeed ee Midowga Yurub.

Brussels waxay horey u xayirtay ansixinta lacagaha soo kabashada coronavirus ee Poland khilaafka dartii.

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee dhaqaalaha Paolo Gentiloni ayaa Arbacadii sheegay in dacwadaha xadgudubka lagu badhtilmaameedsaday Poland ku xad-gudbida mudnaanta koowaad ee sharciga Midowga Yurub iyo go’aaminta in qodobbada heshiisyada EU-da qaarkood aanay ku habboonayn sharciyada Poland.

Wasiir ku xigeenka cadaalada Poland Sebastian Kaleta ayaa dib u weeraray isagoo ku tilmaamay ku dhawaaqista Midowga Yurub “weerar lagu qaaday dastuurka Poland iyo madax banaanidayada”.

Raiisel wasaarihii hore ee Beata Szydlo, MEP oo ka tirsan xisbiga sharciga iyo cadaalada Poland (PiS), ayaa tiri, “Tani hadda ma ahan khilaaf sharci, waa weerar lagu qaaday dastuurka Polish iyo aasaaska dawladnimada Poland”.