Halgankii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 Qaybta 4aad

SAYIDKU markuu qiimeeyay  xaaladii degaankuu yiilay wuxuu waraaq uqoray boqor cusmaan , ergana wuu usii dhiibay waraaqdii, dhowr todobaad kadib ayay ergadii soo noqotay iyagoo boqorkii xaanshi kasida oo uu kuleeyahay xagga iyo bari usoo guura, sadax arimoodna ugusoo guura, buur dagaalka lagaga gambado, biyo maatadu kacabaan, bad hub iyo xoolaba lagahelo., daraawiish haddii warkaa soo gaaray bari bey foolka saareen oo waa guureen, daraawiish geedigaa waxaa dhaxda kuqabsaday weeraro aan lafileynin oo xagga ingiriiska kaga yimid, waxaana dhacay dagaalkii labaxay taargooye, hayaan., daraawiish ayaana guushu raacday, kadib ingiriiskii ciidan aad ubadan, hub fiicana sita ayuu soodumay, daraawiishna waxey soo dageen bohosha shimbiraaley 

GOOBTII JIDBAALE waxey kadhacday dhoodiga nugaaleed bartamaheeda ceelka laascaanoodna waqooyi kaxiga oo hilaadii ujira sodon meyl 

3/1/1903 ayaa ingiriisi colkiisii daraawiish kusoo saaray, daraawiishi meel bohol jeexan oo cal dhaxdii ah ayay dhufeys ugashay, waxeyna talo kugaareen ingiriiskoo dagan ineyan dagaal kuqaadin maadaama hub culus uu sitay, isagoo raran oo ciidamadiisa soconayaan waa in laweeraraa 

Daraawiish oo bohoshii dhax degan ayaa cadowgii soo dulfadhiistay, kadib dhowr maalin waa leysku aamusnaa, kadib nin soomaali ah oo laoran jiray cawke jabane oo lasocday colkii ingiriiska wuxuu kuyiri ingiriiskii mudane anagaa naqaan daraawiish waxaan kutalinayaa in hubka larakibo, deeto rag xoogaa ah loodiro daraawiish soona xabadeeyaan deeto kasoo cararaan,  kadib markii ay bohosha kasoo baxaan oo soo eryadaan hubka mishigaanka lagu laayo , taladaana wey meel martay oo darawiish badan baa goobtaas lagu laayay, ingiriiska qudhiisa dad aan yareyn baa laga laayay balse goobtii waxaa uharay ingiriiskii oo ku adkaaday. 

Markii daraawiish jidbaale looga adkaaday ayay daraawiish waxey talo kugaartay iney calmow ama calmiskaab midkood galaan, dabadeedna waxey tageen togoga layiraahdo gabi iyo cawsane oo haatan degmada baran looga taliyo, ingiriisku markuu ogaaday iney nugaal kabaxeen daraawiish waa kadaba duulay, hase ahaatee markey daraawiish ogaatay in colkaasi dabasocdo wey kaguureen meeshii waxeyna afka saareen bari, waxaa jiray in deyrtaas iyo gugii kahoreeyay ay sayidka iyo boqor cusmaan hadalo tolnimo iyo xididnimo dhaxmarayay., daraawiish oo kusii socota bari iyo boqor cusmaan ayaa Ceelka layiraahdo madha oo bartamaha toga dharooreed kula kulmeen safari reer boqor ah oo boosaaso kayimid, dabadeedna waxey kuyiraahdeen TO IYO TAAGBA idinkaan idinsoo beegsanay oo magan baanu  idiin nahay  

Ingiriisku markuu ogaaday in daraawiish kusii socoto boqor cusmaan ayay kabaqeen iney uheshiiyaan oo duulaan kusoo qaadaan, markaasuu ingiriisku uqoray waraaq boqor cusmaan, ergana usii dhiibay, ingiriisku wuxuu waraaqdaa kuqoray haddaad wadaadka uogolaatid dhulkaaga ogow badda waan kaaxirayaa, xoolahaadana waan dhacayaa, sidaa daraadeed ayuu boqorku daraawiish kubalan furay markuu isku qiyaasay magan galyada daraawiishta iyo hanjabaada ingiriiska, wuxuuna tixgeliyay tii ingiriiska , sidaas buuna uga horkeenay ciidan ayan fileyn daraawiish, colkii boqorka wuxuu kulakulmay daraawiish oo war maqabto ah oo geedi  uah boqorka iyo magangelyadiisii meesha layiraah udeyl oo calmiska hoosteeda ah, halkaas daraawiish col kugalay oo sixun loogu baa bi’iyay , gabayo badana sayidku katiriyay siduu ugalay boqor cusmaan. 

Markey daraawiish boqorka kasoo carareen ayay dhinaca koonfur ugadoomeen, daraawiish markey iyax geed gaaban iyo aboob marayaan itaalkoodana aanu fiicneyn ayaa ingiriisku kusoo duulay markale, daraawiish iyagoo nafkudirir ah ayay jilibka udhigeen, gaaladiina waa lagujabiyay dagaalkaas, waxey siteena waa lagafurtay, xoolahaasi lafurtayna daraawiish caaqibo buu unoqday, waxaana xigtay degidii EYL IYO ILIG. 

Daraawiish dhulka EYL waxay udoorteen iney tahay meel istiraatiiji ah, markey GU IYO LABA DEYROOD halkaa daganaayeen, dad iyo duunyaba hodan bey kanoqotay, daraawiish waxey gudoon kugaartay dadka gaalada laleh xiriir in xoolahooda ladhaco 

Waxaa xeebta bada ujeeda lagadhisay afar qalcadood oo dagaal, waana kuwii ugu horeeyay ee daarihii badnaa ee daraawiishi dhisatay 

DAAWAD waxaa laga dhisay EYL waana qalcad meel kasta ka owdan, madfacna aan xagga bada lagalaheli Karin. 

BADEY waxaa laga dhisay meel xeebta EYL qarkeeda waxaana laga ilaalin jiray wixii badda maraya. 

ILIG DALDALA waxaa laga dhisay qalcad yaab leh oo bada iyo barigaba laga ilaaliyo oo hilaadii EYL ujirta lixdan meyl, dhinaca koonfur galbeed kaxigta. 

 Gabax ama gabac oo EYL dhinaca xeebta Bari kaxigta waxaa lagadhisay qalcad dagaal oo bada iyo berigaba eegi ka ah, afartaa qalcadood waxaa lafadhiisiyay ciidan xoog leh oo dad iyo duunyaba dhaqan, xaruuntuna waxey ahayd GALINGAALE. 

21/4/1904 markab dagaal oo ingiriisku leeyahay ayaa xagga bada kaweeray daraawiish, qalcadii ilig daldala dumiyay, dhowr darwiishna halkaa kudilay. 

Markii afarsano dagaal wax looga qaadi waayay sayidkii iyo daraawiishtuu watey ayaa ingiriis iyo talyaani iskudayeen in heshiis lagahelo daraawiish, arintaana talyaani baa looxilsaaray. 

Nin layiraahdo xaaji cabdala shixiri oo ahaa ergeygii gaarka haa ee daraawiish, sayidkuna kukalsoonaa baa cadan kula kulmay qunsulkii talyaaniga ee cadan ufadhiyay, deeto waraaq baa loosoo dhiibay xaaji cabdala shixiri oo sayidka kusocota, talyaanigu wuxuu soo jeediyay In nabad dhaxmarto daraawiish, ingiriis, talyaani, iyo xabashi, sayidku wuxuu dib udiray xaaji cabdala shixiri inuu tago cadan oo sihoose usoo ogaado waxey damacsan yihiin gaaladu.  

Talyaanigu wuxuu usoo diray sayidka Nin laoran jiray MR. BESTA LOSA oo uu lasocdo xaaji cabdala shixiri, waxeyna raga iyo sayidka kukulmeen xaruuntii sayidka ee ilig daldala, wadahadal dheer kadib qodobadii heshiiska waxaa kamid ahaa in heshiis nabadeed oo ay kawada qeyb galaan talyaani, ingiriis, xabashi, daraawiish iyo raaciyadooda laqabto, waxaana soojeediyay ninkii talyaaniga.  

• In wixii qilaaf ah, ama is afgaran waa ah ergo lagu dhameeyo 

• In lasoo celiyo yuusuf maxamuud keenadiid oo talyaanigu casaba kuxiray 1903 isagoon wax dambi ah lahayn, sayid maxamed baana soo jeediyay arintaa, besta losa waa ogolaaday. 

• In nalaqaado hareereynta iyo cadaadiska ingiriisku xagga ganacsiga inagaga hayo taana sayid maxamed baa soo jeediyay, besta losa wuu ogalaaday, wixii aan ka ahayn hub iyo adoon. 

• In talyaanigu uu kaharo dooda uu kudoodayo ee ah iney hoostagaan boqor cusmaan iyo dadkuu utaliyo, maxaa yeelay daanyo qaad umanoqonkaro  haddii kale in daraawiish loo magdhabo xoolo iyo dad ay udirsatay oo boqor cusmaan dhacay , iyo geel 257 halaad ah uu sayidku  gabar boqorku uu dhalay gabaati uga bixiyay, dabadeedna lagaga balan furay oo gabadhii iyo geeliiba leysku darsaday, sayidka ayaa soojeediyay sidaa, laakiin besta losa waa diiday taa, maxaa yeelay waxaa jiray heshiis bishii febraayo 1890-kii dhaxmaray boqor cusmaan iyo talyaaniga. 

• In waan waan nabadeed ay jirto muddo konton habeen kusiman, muddadaas gudaheedana inuu besta losa kusoo noqdo xaruunta isagoo dowladihii lagu sheegay qodobka koobaad ee heshiiska kawada ogolaansho taasna waa laysla ogolaaday. 

• Ugu dambeyntii besta losa wuxuu kubalan qaaday in aan wax dagaal ah  ama rabshad ah ayan kaimaan sadaxdaa dowladood ee uu daanyo qaadka uyahay,  

Besta losa waa noqday si uu ugu warceliyo dowladii talyaaniga, dabadeedna talyaanigu ugaarsiiso dowlada ingiriiska. 

Daraawiish talo bey isugu noqotay, waxaa leyslasoo qaaday afar arimood oo kala ah:-  

• Daraawiish haddeynu nahay mabaadiideenu waxay kudhisan tahay diinta islaamka ee gaalka ineynu heshiis ladhiganaa shareecada islaamku makubanaan tahay? 

• Haddii aynu heshiis gaalada ladhigano in aynu kubalan furnaa mainoo banana tahay? 

• Heshiiska gaalka maxaa faaido inooga kordhayo haddeynu ogolaano. 

• Daraawiish badan buu ingiriisku laayay, duunyo badana waa inaga dhacay ee mausheeganaa, mise maya? 

Raggii qaaska uahaa sayidka markey rogrogeen arimahaa waxey gooyeen sidan soo socota:- 

• Ineynu heshiis ladhiganaa gaalada sharci ahaan  wey banana tahay siduu nabigu CSW uladhigtay heshiiskii sulxul xudeybiya,  

• In gaalada balantooda lagabaxo wey banaan tahay, marka loo eego suurada 8aad aayada 52baad 

• Faaidada inoogu jirto heshiiska waa in dagaalka waqti uhelnaa siaan hub iyo rasaas uhelno, farduhuna inoogu naaxaan. 

• Daraawiishtii ay gaaladu leysay iyo hantidii ay qaadeen haatan waa in laga aamusaa, balse waa in aan laduudsiin. 

Waxaa lawariyay intuu heshiisku socday waraaqihii leysdhaafsaday iney afartan kor udhaafayeen, waxyaabaha heshiiska kujiray waxaa kamid ahaa in daraawiish loo aqoonsado dhul ay degto oo gaar uah inta udhaxeysa garacad iyo gabac xagga bada nugaal oodhan tan iyo danood. 

33/1905 ayuu besta losa oo lasocda markab talyaani leeyahay kusoo noqday xaruuntii daraawiish ee eyl, isagoo doonaya in heshiiska lasaxiixo, wuxuuna markabka kusoo qaaday suldaan yuusuf maxamuud keenadiid oo talyaanigu kuxiray casaba oo hadda katirsan wadanka ereteriya , waqtigii laxirayay oo lagu eedeeyay dagaalkii cagaarweyne ama gumburo markuu diiday inuu gacansiiyo ciidankii ingiriiska ee hobyo kasoodagay oo daraawiish usocday. 

Besta losa markuu markabkii kasoo dagay ee xeebta cagaha soo dhigay waxey daraawiish kudhawaaqayeen geeraarkan gaaban oo ah: – {Talyan koofiyad weynoow dabadeed aad kalaantoo kidibkii aad shubtee keenadiid mawadaa},besta losa markii hadaladaas loo fasiray wuu qoslay wuxuuna yiri haa waan wadaa, kadib suldaan yuusuf maxamuud keenadiid waa lasoo dejiyay sayidkaana qaabilay, in xabsigii uu kuxirnaa ee CASAB lagasoo daayana sayid maxamed baa shurruudihii kudaray. 

5/3/1905 ayaa heshiis nabadeed lagukala saxiixday qalcadii ilig daldala, waxaana lagu magacaabaa heshiiskii ilig daldala, wuxuuna uqornaa sidan 

• Amaan eebaha raxmaan baa iskaleh, iyadoo loo eegayo in labada dhinac nabad iyo xasilooniba ay helaan , soomaaliyoo dhanna udoonayeen, mudane besta losa oo kawakiil ah dowlada talyaaniga iyo sayid maxamed cabdala xasan oo magaciisa kuhadlaya kana wakiil ah qabiilada lasocda ee ah daraawiish waxey ogolaadeen heshiiskan ay qodobadiisa hoos kuqoran yihiin 

• Waa in nabad waarta kadhax dhacdaa sayid maxamed iyo daraawiishtuu utaliyo iyo dowlada talyaaniga iyo dadkey utaliso oo ay kamid yihiin soomaalida majeerteen iyo kuwa kale, sidoo kale waa iney nabad waarta kadhax dhacdaa sayidka iyo dowlada ingiriiska iyo soomalidey utaliso oo dhan, sidaasoo kale waa in nabad waarta kadhaxdhacdaa sayid maxamed iyo dowlada xabashida iyo dadkey utaliso oo kuhoos nool. 

• Dowlada talyaanigu heshiiska waxey kubalan qaadeysaa  iyadoo kawakiil ah dadkey utaliso iyo dowlada ingiriiska in is afagaranwaa  kasta oo kayimaada sayid maxamed iyo dadkiisa  iyo dowlada talyaaniga iyo dadkey utaliso ama dowlada ingiriiska iyo dadkey utaliyaan lagu dhameeyo sinabad ah iyadoo leysku dirayo ergo kasocota labada dhinac ee daraawiish iyo talyaani , iyo nin ingiriis ah oo kaqeybgala marka danaha ingiriiska lagahadlayo 

Heshiiskaa oo lahaa qodobo intaa kabadan waxaa dhinaca daraawiish usaxiixay sayid maxamed cabdalla xassan, dhanka talyaaniga waxaa usaxiixay besta losa, kadib waxaa lagama  maarmaan noqday  in dhinaca ingiriiskana saxiix lagahelo, sidaa daraadeed waxaa lagu heshiiyay  in ergo kasocota besta losa ay berbera tagaan , ergo kaloo daraawiish kasocotana ay dhulka maraan oo berbera leysugu yimaado siay goob jog ugawada noqdaan saxiixa ingiriiska ee heshiiskaa, dowlada ingiriiska waxaa kawakiil ahaa barasaabkii dalka soomaalida waqooyi utalin jiray oo laoran jiray W.MALCON JOHN, kadib 24/3/1905 ayuu W.MALCON JOHN usaxiixay dhanka dowlada ingiriiska. 

Heshiiskaa markuu dhacey sayidka wuxuu waraaq uqoray ingiriiska uu kuleeyahay mar haddii heshiis nabadeed dhacey waa inaad nooga guurtaan dhulka heshiisku inoo qoondeeyay ee nugaaleed una guurtaan dhulka soomaalida kale ee aad dagan tihiin, ingiriisku isagoo heshiiskii ilig daldala tixgelinaya nugaal wuu kabaxey. 

Oktoobar 1908 ciidamada daraawiishtu waxey kakoobnaayeen afar qeybood oo kala duwan oo tu waliba heybad gaar ah iyo hawl loo yaqaan leedahay waxeyna kala ahaayeen:-  

• QUSUUSI: – badankoodu wuxuu ahaa culimo, iyo lataliyaal xarunta kataliya. 

• GAARHAYE:- oo ahaa colka xaruunta ilaaliya 

• MAARAWEYN: – oo ahaa raggii dagaalka iyo jihaadka utaagnaa. 

• HEERBEEDE:-  oo ahaa kuwa xoolaha dhaqaaleeya, xagga maamulka iyo talada waxey ukala soocnaayeen todobo guutooyin oo mid waliba gaar ufadhida, xoolo gaar ah iyo madax utalisana leedahay waxaana magacyadooda lakala oran jiray sidan soo socta:- 

• SHIISHYAALE 

• GOLWEYN 

• TAARGOOYE 

• INDHABADAN 

• MIINAALE 

• DHARBASH 

• RAGXUN 

Isagoo sayidku kafaa ideesanayo heshiiskaa wuxuu soomaalidii meelkastoo dagan tahay isku taxluujiyay inuu gaarsiiyo fikradii daraawiish ee gaala ladirirka ahaa, waxbadan wey uga suura galeen oo dad badan baa soo raacey. 

Markii doonyo ganacsi kayimid carabta oo usocday laasqoray soomaalidii daganeyd uu dhacey ingiriisku , ragna waxyeelo loo geystay  ayuu sayidku uqoray laba waraaqood ingiriiska isagoo ku eedeenaya waxa dhacey oo dhan iney iyagu mas uul kayihiin, dhowr waraaq oo is eedeyn  iyo isku dhaarasho ayay isku direen sayidka iyo ingiriiskii joogey berbera. 

Baarlamaankii ingiriiska waqtiyadaa dhowr nin kujiray ayaa waxey dowlada ingiriiska usoo jeediyeen in dowlada ingiriiska soomaaliya isaga guurto , ama wadaadka heshiis wanaagsan lala dhigto oo mush-haar wanaagsan looqoro sidii hindiyaba layeelay maxaayeelay dad badana dowladu  wey kuweyday , maal badana waa kaga baxey , wax faaido ahna oo kasoo galayana lama arko. 

Bishii abriil dabayaaqadeedii 1909 ayaa ergo ay dowlada ingiriisku soo dirtay yimaadeen berbera waxeyna guda galeen wareysi iyo wax baarid, wadaadkana waxey udireen waraaqo iyagoo weydiisanaya waxyaalo kala duwan oo nabada iyo heshiiska kusaabsan, Sayidku waraaqihii dambe uu ingiriisku soodiray Kama soo jawaabin. 

Bishii nofeembar 1909 ayuu ingiriisku wuxuu goaan kugaaray inuu 

Lasoco qeybta shanaad hadduu allaah idmo.  

Diyaariye: cabdicasiis khaliif bare.    

Email address: abuhamaam@hotmail.com